Advertisements

Waa sidee xaaladaha magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in degaanka Ceelasha biyaha ay shalay soo galeen Ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab, kuwaas  oo isla shalay magaalada Muqdisho loo daabuley si ay uga qayb galaan dagaalka ka socdo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhowaan u gacan gashay ciidamada Dowladda KMG ah oo ay taageerayaan kuwa AMISOM ay ka bilaabmeen dhaqdhaqaaqyo iyo diyaar garow ay ugu jiraan sidii ay uga hortegi lahaayeen weerarada xarakada Al-Shabaab ee ku soo wajahan dhinacooda oo tan iyo markii laga qabsaday Wasaaradda Gaashaandhigga shalay galab ku soo qaaday weerarkii saddexaad oo ay ku doonayaan inay dib uga qabsadaan goobihii horay loogu qabsaday oo la sheegay inay istiraatiijik ahaayeen.

Dhanka kale Dagaalada shalay gelinkii dambe ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho oo socday ku dhowaad muddo 3-saac ah ayaa ka duwanaa dagaaladii hore, iyadoo dagaaladaan ugu dambeeyay aan la ridin marnaba madaafiicda goobta iyo kuwa BMka loo yaqaan ee geysanaya duqeymaha baahsan.

Waxaa kaloo la sheegay in Ciidamada AMISOM oo taageera Dowladda KMG ah ay ku ridin madaafiicda goobta iyo qoriga BMka ah baraha iyo xarumaha Al-Shabaab ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, hase ahaatee Madaafiicdii la is-dhaafsanayey qaarkood ay waxyeelo u geysteen guryaha dadka rayidka ah, balse ilaa haatan lama oga khasaara soo gaaray dadka Rayidka ee goobahaas ku nool.

Waxaa lagu soo warramayaa in maanta tiro Madaafiic hoobiyeyaal ah ay Xoogaga Al-Shabaab ay  ku garaaceen Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah Madaafiicda ay ku dhaceen agagaarka xaruntaas.


Madaafiicdan oo gaareysa ilaa saddex ayaa labo ka mid ah waxay ku dhaceen agagaarka Tiyaatarkii qaranka, kaas oo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha uu geystay.

Wararka ayaa waxay intaa ku daraya in madaafiicdan oo aheyd kuwo koobnaa ay soo gudbeen xarunta Madaxtooyada, sida ay sheegeen dadka ku dhaqan xaafada Ex Fiyoore oo walaac la soo derisay markii madaafiicda soo daateen.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii tiro madaafiic Shabaabka ku tuureen Madaxtooyada, kaasoo gudaha ugu dhacday, waxaana ku dhaawacantay askar ka tirsa AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG.

Inta badan madaafiicda ay soo tuuraan Shabaab ayaa kuwo ka dhashay jawaabo culus oo durba Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ay madaafiic xoog leh ku garaacaan qeybaha laga soo tuuro madaafiicda, ayna ku dhacaan goobo shacabka degan yahay.

Si kasta ha ahaatee dagaaladii maalmahan kasocday magaalada Muqdisho ayaa noqday kuwo dhinacyada iska soo horjeeda ay kaga qeyb qaataan madaafiicda goobta oo ay kolba dhinac goobaha ay ku kala sugan yihiin ku garaacaan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: