Advertisements

Madaxweyne Sheikh Shariif oo sheegay in gudoonka Baarlamanka uusan xaq u lahayn in uu is hortaago go’aankii wakhti kororsiga.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in gudoonka barlamanka uusan xaq u lahayn in uu is hortaag ku sameeyo warqadii uu dib ugu celiyaya go’aankii waqti kororsiga ee Xildhibaanada barlamaanka.

Sidoo kale Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaliya kula hadlay Xildhibaano badan oo ka trisan barlamaanka ayaa waxaa uu sheegay in gudoonka barlamanka uusan is hortaag ku samayn karin warqadii dhawaan Madaxweynaha uu u gudbiyay Xildhibaanada Barlamanka.

Hase yeeshee Madaxweyne Shariif ayaa Caddeeyey in gudoonka barlamanka looga baahan yahay in uu ku ekaado shir gudoonka Barlamanka balse aan arrimaha Barlamaanka uusan faragalin karin, wuxuuna tilmaamay in Xildhibaanada Barlamaanka ay ka jawaabaan warqadii uu Madaxweynaha u gudbiyay oo ku aadaneyd in Barlamaanka ay ka fiirsadaan waqti kordhinta ay samayteen.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in qilaaf siyaasadeed laga dhex abuuro dowladda KMG oo mar xalad adag ku jirto xili uu tilmaamay in dowladda dagaalo horumar laga gaaray ay kula jirto dhinacyada dowladda dagaalka kula jira ee Xarakada Al Shabaab.

Si kasta ha ahaatee hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xili maalmo ka hor Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan uu sheegay in Barlamaanka uusan ka noqoneyn go’aanka waqtiga uu ku korarsaday, sidaas darteed tani waxay muujineysaa inuu khilaaf uu ka dhax jiro madaxda Sare ee Dowladda KMG.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: