Advertisements

Waa sidee xaaladaha magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa saakay ka dhacay demada Hodan ee gobolka Banaadir dagaalo iyo duqeymo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab.

Sida lagu soo warramay dagaaladaan ayaa waxay saakay xoogooda ka dhaceen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxana ciidamada dowladda KMG oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ay isku adeegsadeen Madaafiic iyo rasaas xoogan.

dhanka kale dagaalkan  ayaa waxaa barbar socday madaafiic, balse waxaa goobihii ay ku dagaalameen dhinacyadaas isku haysta gacan ku haynta magaalada Muqdisho laga dareemayaa xaalad degnaan ah oo aan cago buuran ku taagneyn iyadoo mararka qaar ay ciidamada dowladda iyo Xarakada Shabaab ay is weedaarsanayaan rasaas iyo madaafiic xoogan oo ku dhacaysa goobo ka baxsan halka ay isku horfadhiyaan.

Hase yeeshee ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaladaas, inkastoo ay dhinci karaan madaafiicda ay is weedaarsanayeen ay wax yeelo ka soo gaarto dadka fara ku tiriska ah ee ku haray goobaha ay ku dagaalameen, iyadoo aan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada saakay ku dagaalamay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Si kasta ha ahaatee dagaalka saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu daba socdaa dagaalo iyo duqeymo mudooyinkii dambe ka dhacayay degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo dhinacyada dagaalamay ay wali is horfadhiyaan islamarkaana mar waliba uu dagaal dhici karo.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: