Advertisements

Qaar kamid ah Ururada Bulshada oo si wadaninimo ah u taageeraya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Ururada Bulshada rayidka Soomaaliyeed ay si wadaninimo ah u wadaan taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada Badbaada qaranka Soomaaliyeed ee howlgalada nabadsugida ah ka wada gudaha dalka.

Ururada Dhalinyarada iyo Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ku howlan taageerada ay la garabtaaganyihiin ciidamada Qalabka sida ee howlgalada ka wada magaalada Muqdisho, waxeyna ururadaasi ku howlanyihiin sidii taakuleyn  dheeraad ah ay u gaarsiin lahaayeen ciidanka qalabka sida ee ku jira aaga hore ee dagaalka.

C/llaahi Maxamed Nuur oo ah Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta ka howl gesha magaalada Muqdisho u sheegay in ururadaasi ay ciidamada la garab tagaan yihiin hiil iyo hooba, isagoo xusay in ay diyaariyeen hadba intii ay kari karaan oo taageero ah.

Hase yeeshee Ururadan ayaa hore ciidamada qalabka sida u gaarsiiyay raashin iyo agab kale oo ay ku dhiirigelinayaan ciidamada Badbaada Qaranka Soomaaliyeed ee howlgalada ka wada Muqdisho,  si ay u muujiyaan doorkooda kaga aadan howlaha lagu sugayo amniga dalka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: