Advertisements

Haweenka Jaaliyadda reer Hiiraan oo Xaflad ugu sameeyay London Wasiiradda Haweenka iyo Qoyska dowlad goboleedka Hiiraan & Midland.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Halkaan ka akhri

Xaflad aad u heer sareysa oo ay Shalay soo qaban qaabiyeen Haweenka reer Hiiraan oo ay kasoo qeyb galeen Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee dowlad goboledka Hiiraan & Midland Marwo Suldaana Cadaay Xuuriye iyo marwada Madaxweynaha Shukri Isaaq Cadow ayaa ka dhacday magaalada London. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Xafladan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Haweenka Jaaliyadda reer Hiiraan and Midland ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London.

Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Marwa Suldaana Cadaan oo xafladaasi ka hadashay ayaa si aad ah waxaa ay ugu mahadhelisay haweenkii isku xilqaamay in ay xafladaasi u qabtaan, iyadoo sidoo kalena uga warbixisay doorka ay ka qaadan karaan haweenka reer H&M dowladda goboleedka ay wasiirka ka tahay.

Sidoo kale Marwa Suldaana Cadaay waxaa ay kawarbixisay xaaladda dowlad goboleedka H&M, waxaa ayna sheegtay in intii ay dhisneyn dowladooda ay waxyaaba badan u qabteen Shacabka reer H&M.

Wasiirada Haweenka & Horumarinta Qoyska ayaa ugu dambeyntii sheegtay in ay isu diyaarinayaan safar ay dhowaan ku tagi doonaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyo Baladweyne, halkaasoo sida ay sheegtay ay kulamo kula soo qaadan doonaan madaxda dowladda KMG Soomaaliya iyo odayaal dhaqameedyada ku dhaqan Hiiraan and Midland.

Sidoo kale waxaa xafladaasi hadal kooban kasoo jeediayay marwada Madaxweynaha H&M Shukri Isaaq Cadow, iyadoo sidoo kale u mahad helisay Haweenkii soo abaabulay xafladdaasi qiimaha badan ayna ku faraxsan tahay in ay kasoo qeyb-gaho.

Ugu dambeyntii haweenkii xafladdaasi ka hadlay ayaa si aad ah usoo dhaweeyay khudbooyinkii ay usoo jeedisay Wasiirada Haweenka, una sheegay in ay si aad ah u taageersan yihiin dowlad goboleedka Hiiraan and Midland.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmailcom

Advertisements
%d bloggers like this: