Guddiga Amniga Baarlamanka KMG oo sheegay in ciidanka dowladda KMG ay gaareen guulo muuqda.

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Guddiga Arimaha amniga ee Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay guulo muuqda ka gaareen dagaaladii ka socday magaalada Muqdihso hase ahaatee waxaa warbixinta lagu lifaaqay oo  lagu caddeeyey  in aan laga noqon doonin go’aankii barlamanka uu waqtiga ku kororsaday.

Sida uu sheegay Xildhibaan Xuseen Caraale Aadan oo ka mid ah Mudanaayasha barlamanka KMG Soomaaliya oo waraysi siinayay Warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa uu wax lagu farxo ku tilmaamay guulaha ay  ciidamada Milatariga dowladda KMG Soomaaliya ka gaareen dagaaladii dhawaan ay la galeen Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaa uu raaciyey in guushaasi ay tahay in loogu mahadceliyo ciidamada dowladda sida geesinimo leh ay ugu hortageen Xarakada Al Shabaab, wuxuuna tilmaamay in ciidama dowladda ay qaadeen talaabo bilow ah, islamarkaana loo baahan yahay in la dar dar galiyo dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

Xildhibaanku ayaa wuxuu kaloo ka hadlay qilaaf uu sheegay in uu ka dhexjiro Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo gudoonka sare ee Barlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan, isagoo xusay in xiligaan aan loo baahnayn in la’isku tuur tuuro go’aan horey u dhacay oo ay si wadajir ah u ansixiyeen Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya.

Xuseen Caraale Aadan ayaa waxaa uu sheegay in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ogaado in barlamanka Soomaaliya uu yahay kii hore u soo doortay, wuxuuna shaaca ka qaaday in looga baahanyahay in uu tix galiyo barlamanka, wuxuuna carabka ku dhuftay in go’aanka barlamanka aan laga noqon karin.

Si kasta ha ahaatee hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Xuseen Caraale ayaa waxaa uu imaanayaa xili dhawaan Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya uu sheegay in go’aankii  Xildhibaanada Barlamaanka ay qaateen uu yahay mid lagu fududaaday, islamarkaana lama huraan ay tahay in dib uga fiirsadaan iyagoo la tixgelinayo duruufaha iyo xaaladaha adag ee dalka ka jirto, loona dhega nuglaanaya rabitaan bulshada Soomaaliyeed iyo tan Beesha Caalamka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: