Dowlad goboleedka Somaliland oo sheegtay in ay qaaday tallaabo ay wax uga qabaneyso xiisadda ka oogan degaanka Kalshaale.

Halkaan ka akhri

Dowlad Goboleedka Somaliland ayaa waxay tallaabo ay wax uga qabaneyso ka qaaday xiisadda ka oogan degaanka Kalshaale ee u dhaxeysa Dowlad Goboleedka Somaliland iyo maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda gobolka Togdheer, iyadoo saraakiil ka socota Dowlad Goboleedka Somaliland ay halkaas gaareen maalintii shalay ahayd, kuwaas oo iyagu bilaabay inay burburiyaan baraago biyoodyo ku yiilay deegaan Kalshaale.

Sidoo kale Wafdiga ka socday dowlad Goboleedka Somaliland ee ku sugan degaanka Kalshaale oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha gobolka Togdheer oo ay la socdaan  saraakiil u badan ciidamada Gobolkaas ayaa la sheegay inay halkaas sii joogi doona ilaa iyo inta ay ka dhameynayaan burburinta baraagaha biyaha ay dadka degaanka ka cabaan, taasi oo ay Dowlad Goboleed Somaliland ay aaminsan tahay inay ka bilowdeen dagaaladii la dhacay deegaanka Kalshaale.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramay intii ay socotay howlgalka lagu  burburinayey baraagaha Kalshaale ayaa dhinaca ay isku hor fadhiyay ciidamada DOWLAD Goboleedka Somaliland iyo maleeshiyo beeleedka degmada Buuhoodle, hase yeeshee ma jirto wax dhibaata ah oo halkaasi ka dhacay, inkastoo dhinacyada halkaasi isku hor fadhiya ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo iyo diyaar garow dagaal oo dadka deegaanka ay cabsi ka qabeen in halkaas ay dagaallo ka dhacaan.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in wafdi kale oo ka socda Dowlad Goboleedka Somaliland ayaa gaaray gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle, wafdigaas oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo odayaal dhaqameed, waxaana la filayo inay maanta kulamo kala duwan la yeeshaan Nabadoonada iyo waxgaradka beelaha dega gobolada Togdheer iyo Sool.

Si kasta ha ahaatee ayaa socdaalka Wafdiga Dowlad Goboleedka Somaliland ayaa ka dambeeyay kaddib markii Madaxweyne Siilaanyo uu sheegay in Dowladdiisu ay dooneyso inay soo afjarto xiisada ka oogan deegaanka Kalshaale iyo muranka gobolka Sool ee u dhaxeeya maamulada Somaliland iyo Puntland, lamana oga waxa uu wafdiga maamu Goboleedka Somaliland ku soo kordhin karo xaaladda ka taagan Gobollada ay deggaan Beesha Dhulbahanti.

SomaliSwiss    Buuhoodle

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: