Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa Waxaa maanta laga dareemayaa deganaansho aan sugnayn, gaar ahaan goobihii ay ku dagaalamayeen maalmihii la soo dhaafay ciidamada dawlada KMG ah oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Kooxda Al-shabaab, ihase yeeshee waxaa mararka qaar la maqlaayo dhawaqa rasaasta.

Sidoo kale waxaa weli ay is hor fadhiyaan dhinacyada ku dagaalamay magaalada Muqdisho, inkastoo la maqlayay rasaa iyo madaafiic ay is weydarsanayaan labada dhinac, balse waxaa suura gal ah inuu mar kale qarxo dagaal, waayo labada dhinac waxay ku hanjabayaan inay ka go’an tahay inay sii wadayaan dagaalka.

Sida lagu soo warramay Goobaha lagu dagaalamay ayaa waxaa ka mid ah wadada Warshadaha oo aheyd tan kaliya ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo deegaanada loo barkacay, hase yeeshee wadadaasi ayaa iyadu gebi ahaamba xirantay kadib markii lagu dagaalamay, islmarkaana wadadaasi goobo fara badan oo ku yiilay ay la wareegeen Ciidamada Dowladda KMG ah.

Dhanka kale waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socnayay magaalada Muqdisho dagaalo dad badani ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen oo u dhaxeeyay ciidamada dawlada KMG ah oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMSIOM iyo kooxda Al-shabaab kaasoo sida ay sheegtay dawlada KMG ah ay guulo waaweyn ka soo hooysay ayna ka go’antahay in ay sii wadeyso inta ay ka xureynayaan dalka kooxaha ajaaniibta argagaxisada ah iyo kooxda Shabaabka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: