Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan iyo Madaxweyne Sheikh Shariif oo uu markale uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay.

Halkaan ka akhri

Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa wuxuu magaalada Muqdisho kula hadlayay Saxaafadda wuxuuna sheegay inuu warqad u qoray Madaxweynaha taasi oo jawaab u ah warqad uu horay ugu soo gudbiyay Madaxweyne Shariif Golaha Baarlamaanka, waxa uuna sheegay Shariif Xasan in Madaxweynaha uusan sharci u lahayn dib u celinta go’aanka Baarlamaanka ee mudada saddexda sano ah ku kororsaday cimrigiisa.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan oo ka hadlayey xilliga uu korarsaday barlamaanka ayaa wuxuu yiri: “Dastuurka noo qoran Madaxweynaha xaq uma laha inuu dib u celiyo go’aanka Golaha Baarlamaanka uu ku kororsaday mudada saddexda sano ah, sideedana dastuurkii lixdanka in wax laga raadiyo meesha kumaba jirto” wuxuuna raaciyey in qodobka 70-aad ee Axdiga KMG ah uu Golaha Baarlamaanka u ogolaanayo inuu wax bedeli karo.

Dhinaca kale Shariif Xasan Sh. Aadan wuxuu ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho una dhaxeeya Dowladda KMG ah iyo xarakada Al-Shabaab, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen dagaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed Alle ka dulqaado abaarta iyo colaadda ku habsatay.

Si kasta ha ahaatee Guddoomiye Shariif Xasan ayaa sheegay inuu u kictimayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasna uu uga sii gudbi doono wadanka Ghana, si uu uga qeyb galo shir ay ku yeelanayaan Baarlamaanada dalalka Afrika.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: