Wadanka Ingiriiska oo Xalay looga dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed cusub oo Soomaali ah.

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay ka dhacay degmada Wanbaley ee dalka Ingiriiska Xaflad Balaaran oo ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiin, Aqoonyahano, iyo marti sharaf kala duwan, Xafladdaas oo looga dhawaaqay xisbi siyaasi ah oo loogu magac daray Hiil Qaran.

Sida lagu soo warramay waxaa Xisbigan madaxdiisa ay ka kooban yihiin 9 xubnood oo ay ka mid yihiin C/risaaq Xaaji Xuseen oo ah R/wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, Pro. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo dad kale oo magac ku leh gudaha iyo dibada Soomaaliya.

Sida lasheegay ujeedada loo aas aasay xisbigan ayaa waxaa ay tahay in umada Soomaaliyeed walaaltinimo iyo Soomaalinimo loo abaabulo iyo qaabkii qaran Soomaaliyeed loo dhisi lahaa.

Waxaa sidoo kale markii xafladaasi ka hadlay Pro. Cabdi Ismaaciil Samatar wuxuuna sheegay in xisbiga uu ka shaqeyn doono danaha iyo hormarinta dadka Soomaalida ee ku dhibaateysan gudaha dalka islamarkaana aana wax lug ah ku laheyn dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya.

Pro. Samatar ayaa sheegay in xisbiga Hiil Qaran xubnaha ku jira ay isugu jiraan rag iyo dumar islamarkaana saacadaha soo aad an ay kaga dhawaaqayaan Magaalada Muqdisho magacyada dadka ku mideysan xisbigaasi.

Hase yeeshee intii ay socotay munaasabada looga dhawaaqayay xisbigaasi ayaa waxaa hadalkaasi hadalo kala duwan ka jeediyay masuuliyiin iyo siyaasiyiin kale duwan oo ka qeyb gashay munaasabada kuwaasi oo ku dheeraaday ka hadlida marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dalka Soomaaliya.

Ujeedadii shirkaas laga lahaa ayaa ahayd laba arrimood:

1- In la abuuro dhaqdhaqaaq huwan magaca Soomaalinimo oo lagula dagaallamo islaamiyiinta Soomaaliya.

2- In lagu Diyaariyo kooxdii lagu badali lahaa maamulka DFKM-ka oo ah mid xiligeedu dhammaanayo bisha Agoosto ee sanadkan 2011.

SomaliSwiss      London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: