Advertisements

Sheikh C/raxmaan Abyad oo Shacabka Somaliyeed soo gaarsiisay farriin Ceebeyn iyo Caay isugu jirta.

HOOS KA DHEGAYSO FARIIMAHA

Halkaan ka akhri

Qaar ka mid ah Hogaamiye-yaasha ruuxiga ah ee ururka Alqaacida ayaa hadallo ay dhowaan jeediyeen iyo Buugaag ay qoreen waxay ku sheegeen waxyaabo badan oo dadka Soomaalida quseeya, kuwaas oo loogu gefay Ragga iyo Dumarka Soomaalida.

Laba kamid ah Hogaamiye-yaasha sare ee Al-Qaacida u qaabilsan qeybaha baraarujinta iyo fidinta fikirradaha Al-Qaacida ayaa midkood Dumarka Soomaalida ku tilmaamay kuwa aad u fool xun oo ay ka cararaan nimanka Carabtu, halka ninka kalena xagga Ragga Soomaalida ku sheegay, Munaafaqiin Quraanka xafidsan oo aan hal Carabiyana ku hadlin.

Sheekh Cabdiraxmaan Abyad oo ka mid ah Wadaadada u Iftooda, isla markaana sida daran u dhiirri galiya Kooxda Al-Shabaab, ayaa dhowaan Muxaadaro uu akhriyay qarsan waayay inuu muujiyo wadaado badan oo ka tirsan hogaamiye yaasha Alqaacida waxyaabo ay ku qoreen buugaag iyo kuwa ay uga hadleen Soomaalida, kuwaas oo intooda badan aflagaaddo iyo caay u badanaa.

Abyad oo muxaadaradaas aqrinaya ayaa hadalkiisa kusoo daray xigasho ama hadal ku qoran kitaab  uu qoray nin isaga shiiq u ahaa, sida uu xusay oo lagu magacaabo Maxamed Al-Maqdasi, kaas oo Kutub ku qoray  hadal aad loogu ceebeeyay, isla markaana lagu aflagaadeeyay, Dumarka Soomaalida, hase yeeshee ninkaas uu sheegay inuu yahay Sheekhiisa ayaa ah hogaamiye sare oo ka tirsan Alqaacida, kaas oo dadka wax ka bartay ay ka mid yihiin Abuu Yaxya Al-Liibi, Abu Muscab Al Zarqawi,  Abu Anas Al-Shami iyo Abu Qatada.

Maxamed Al-Maqdasi ayaa dumarka Soomaaliyeed ee Alle Quruxda ku manaystay u caayay si xishood la’aan ah isagoo gef lama dhaafaan ah u geystay, kuna tilmaamay hablo aan la guursan karin foolxumo darteed.
Halkan Hoose ka dhageyso Sh Cabdiraxmaan Abyad oo Sheekhiisa Maxamed Al-Maqdasi ka soo xiganaya gafka uu hablaha Soomaalida u geystay.

Wadaadkaas oo la hadlayay Rag carab ah oo uu wax u aqrinayay ayaa si jees jees ah u yiri: “Arin idinka qoslisa ayaan idiin sheegayaa oo aad ku nafsitaan”, wuxuuna sii raacsaday qiso u muuqatay inuu been abuurayay oo uu sheegay inay ka dhacday Boosniya, isagoo sheekadiisa ku bilaabay: “Raggii Mujaahidiinta Carabta ahaa ee u dagaal tagay Bosnia ayaa ku yiri dagaal yahannadii Boosniyaanka, Maadaama rag badan la laayay ayna ka tageen caruur iyo agoon iyo dumar, waxaan rabnaa inaan xifdinno gabdhaha agoomaha ee laga tagay oo guursano ee gabdhahaas hanoola raadiyo oo hanoola guuriyo”.

Wuxuuna hadalkiisa kusii daray in loogu jawaabay: “waanu ka soo fekereynaa arintaas” hase yeeshee markii dambe ay u yimaadeen Boosniyaankii kuna yiraahdeen; “nimanyahow gabdho fara badan oo faqiirro ah, isla markaana Agoon ah baan idiin haynaa oo ka yimid wadamada Afrika, Sida Soomaaliya iyo Itoobiya, Hadaad doonaysaan kuwaas ayaan idiin guurinaynaa” wuxuuna hadalkiisa ku gunaanaday Almaqdisi in ragii carbeed kala carareen oo meel ay ka dhaceen la waayay!markii ay maqleen Dumarka Soomaalida iyo Itoobiyaanka, taas oo uu dabcan ula jeeday  Yasitaan iyo bah dilaad lagu samaynayay hablaha Soomaaliyeed oo dadka dhegaysanayay si proboganda ah loo faham siinayay inay yihiin kuwa aad u fool xuma badan.

HALKAAN KA DHEGAYSO MUXAADARADA SH.ABYAD
Isla Muxaadaradaas ayuu Sh Cabdiraxmaan Abyad ku xusay Wadaad kale oo weyn oo isaguna umadda Soomaaliyeed u geystay Af-lagaaddo weyn, isagoo ku sheegay inay yihiin munaafiqiin Qur’aanka wada Xifdisan, hayeeshee aan macnihiisana aqoon, Eray Carabiyana aan ku hadlin.

Halkaan ka dhegayso hadalka Ninkaas kale oo uu akhrinayo Cabdi Raxmaan Abyad.
C/raxmaan Abyad  waa mid ka mid ah Culimada caanka ah ee Soomaaliyeed, kuna nool Qaaradda Yurub, waa nin dhallinyaro ah, isla markaana aaminsan fikirka Takfiirnimada, isla markaana aad u taageera, xarakada Al-Shabaab oo uu inta badan u fatwoodo mararka qaarkood .
Maxamad Almaqdisi, Halkaan ka akhri.
SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: