Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegtay in shirkad Japan ah heshiis lagu siiyay bartii Internet-ka ee Dot SO. isla markaana aan la-iibin.

HOOS KA AQRI HESHIISKA

Halkaan ka akhri

Waxaan halkan idinku haynaa sida aad horay ugala socoteen Shabakadda SomaliSwiss arrinkii ku saabsanaa  bartii Internetka qaranka Soomaaliya ee .SO oo uu horay uga taagnaa muran la xiriira in la iibiyay oo lagu wareejiyay Sharikad laga leeyahay dalka Japan, taas oo ninkii madaxda ka ahaa uu sheegay in uu xoogaa yar oo dhaqaala ah ka siinayo dowladda Soomaaliya, iyadoo horay loogu hormariyay lacag boqolaal kun oo Dollar ah, hase yeeshee dowladda KMG ah ayaa keentay maanta sheeka ka duwan wixii horay la isula dhex marayay.

Qoraal loo qaybiyey golaha wasiirada dowladda KMG Soomaaliya oo ay qeyb kamid ah soo gaartay  SomaliSwiss ayaa muujinaya heshiiskii dhexmaray dowladda KMG iyo shirkadda GMO ee ku saabsan Domain-ka .SO, heshiiskaas oo ku qoran luqadda English-ka ee loo qaybiyey golaha Wasiirada, laakiin aan ilaa hadda la keenin baarlamaanka, ayaa waxaa ku saxiixan Wasiirkii hore ee Boostada iyo isgaarsiinta  Abdirizak Juurile oo u saxiixay dowladda KMG iyo Masatoshi Kumagai oo u saxiixay shirkadda GMO.

Sida ku qoran heshiisku waxa uu dhexmaray dowladda KMG iyo shirkadda laga leeyahay dalka Japan markay taariikhdu ahayd 7dii June 2010. Waxaana qoraalka ku qoran in shirkadda GMO ay aqbashay in ay Wasaaradda Boostada u qaabilsanaan doonto Diiwaanka iyo suuq-geynta Domainka, arrintaasna ay aqbashay Wasaaradda Boostada dowladda KMG Soomaaliya in shirkaddaas oo keliya ay diiwaanka u qaabilsanaan doonto.

Waxa kale oo dowladda KMG ay aqbashay in ay shirkadda siin doonto lacag (fee) ah oo dhan boqolkiiba 30% dakhliga soo xerooda (ka soo baxa Domain-ka) – Laakiin ma qeexna ama ma muuqato qaab shirkadda loola xisaabtamayo oo lagu ogaan karo dakhliga maadaama ayadu ay tahay tan diiwaanka haysa. Domainkaana laga hagayo dalka Japan halkii xaruntiisu ahaan lahayd Muqdisho ama meel kamid ah gudaha Soomaaliya.

Waxa kale oo qormada loo qaybiyey Golaha Wasiiradda dowladda KMG ku qoran in haddii muran iyo sheegasho ku saabsan heshiiskaas uu yimaado in dhexdhexaadin laga galayo. Heshiiskaas Domainka Soomaaliyeed ee DOT SO oo English ah, ka akhri HALKAN

Sidoo kale qoraalka waxaa ku xusan in heshiiskaasi uu sannad kasta toos u cusboonaanayo (si automatic ah), waa haddii aan 90 maalmood ka hor aan qoraal (lagu joojinayo heshiiska) laga helin mid kamid ah labada dhinac (HALKAAS waxaa ku jirta fursad ah inta aan la gaarin March 7, 2011 in baarlamaanaka DFKMG ay heshiiskaas go’aan kama dambays ah ka gaaraan.)

Domainka SO maadaama uu yahay mulkiyad Soomaalida u dhaxaysa waxaa shardi ah in diiwaankeeda ay hayaan dad Soomaaliyeed oo kusugan dalka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan Hiro Tsukahara oo ah madaxa shirkadda waraysi hore uu uu bixiyey asagoo ka hadlayey lacagta ka soo baxda diiwaangelinta .SO waxa uu yiri “Maadaama Soomaaliya ay tahay dal ku negaadey in uu caawinaad uga baahan yahay dhinacyo badan, waxaa GMO ay ugu deeqeysaa qaar kamid ah dakhliga ka soo gala si u siiso caawinaad, gaar ahaan carruurta.”

Sida ku cad website shirkaddaas (http://www.soregistry.so/) ayagoo qeexaya .SO waxay qoreen sidan “dotSO is the Country Code Top Level Domain (ccTLD) for The Republic of Somalia. It was redelegated to The Ministry of Posts and Telecommunications (MoPT) in April of 2009, and will be available to the public for Open Registration on March 1st, 2011.” Halkaas waxaa la is weydiin karaa maxaa shirkad shisheeye gacanta u geliyey in ay maamusho Domain-ka Soomaaliya, oo sida isla websitekaas ku cad ah:

  • .SO
  • .COM.SO
  • .NET.SO
  • iyo .ORG.SO

Waxayna shirkaddaasi sheegtay in shirkadaha kale ee kiraynaya websiteya wata .SO ay ka sii kireynayo boosaska. Taas oo macnaheedu yahay in ay ayadu tahay midda maamulaysa DOMAIN-ka .SO, kharashka ka soo baxana uu yahay mid ayada u gaar ah, maadaama aan shaaca laga qaadin waxa heshiiskaas ku qoran.

Hiro Tsukahara oo ka hadlayey lacagta ka soo baxda diiwaangelinta .SO waxa uu yiri “Maadaama Soomaaliya ay tahay dal ku negaadey in uu caawinaad uga baahan yahay dhinacyo badan, waxaa GMO ay ugu deeqeysaa qaar kamid ah dakhliga ka soo gala si u siiso caawinaad, gaar ahaan carruurta.”

Heshiiskaas oo English ah, ka akhri HALKAN

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: