Waa sidee xaaladda dagaalada ka socda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa saaka mar kale wali ka socda dagaalladii cuslaa oo maalmihii tegay ka qarxay Magaalada Muqdisho, waxaa saaka waabarigii ay qaadeen Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, dagaallo jihooyin cusub leh oo ay weerar ka qaadeen.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay dagaal ka soo qaadeen degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigley, hase ahaatee waxaa lagu soo warramayaa in dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdo nawaaxiga Jidka Wadnaha oo ay Ciidamada saaka ku durkeen.

Waxaa saaka la maqlayaa dhawaaqa Hubka cul-culus oo ay ku jiraan BM-ka iyo qoryaha kale ee waaweyn, kuwaas oo dadka ay hurdada kaga tooseen hugunka madaafiicda culus ee la is weydaarsanayo.

Dhanka kale waxaan wali la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee uu geysatay Dagaalkii cusubaa saaka waabari ka bilowday oo qeyb ka yahay qorshe dagaal oo Dowladda KMG ku dooneyso inay kula wareegto Caasimada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Saraakiil oo u  hadashay Dowladda KMG oo diiday in magacooda la sheego ayaa xaqiijiyay in saaka ay la wareegeen qeybo ka mid ah Jidka Wadnaha, gaar ahaan Isgoyska Florence iyo Xararyaale, balse aan jirin war madax banaan.

Sidoo kale Saraakiisha Dowladda waxay leeyihiin kaabiga ayaan ku heynaa Isgoyska Aadan Cadde, laakiin dagaalka xoogiisa ayaa ka soconaya inta u dhaxeysa Wadada Wadnaha iyo Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee waxaa lagu soo warramayaa in dagaalku uu iminka si xoogan u socda, waxaana xalay magaalada qeybaha Dowladda ka taliso laga dareemay dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan, kadib markii Dowladda KMG ay xeryaheeda ka soo saartay Ciidamadii u xareysnaa.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: