Gudoomiyaha Baarlamanka oo ka soo horjeestay go’aankii mudo kordhinta ee uu Madaxweyne Sheikh Shariif dib ugu soo celiyay.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa diiday go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya sheikh Shariif sheikh Axmed uu dib ugu soo celiyay Baarlamaanka muddo kordhintii ay sameeysteen Xildhibaanada, kaas oo ahayd muddo saddex sano ah.

Warkan oo saakay uu Shariif Xasan uu warbaahinta uga qabtay shir jaraa’id Xafiiskiisa ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan sharci u laheyn inuu dib ugu soo celiyo Baarlamaanka Go’aankoodii sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha xaq uma lahan sharcina uma lahan in Baarlamaanka uu ku soo celiyo go’aankooda”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadaladiisa caro xoog badan ka muuqatay, hase ahaatee tani ayaa ah billawga khilaaf cusub oo hakin karta dadaalka ay dowladda uga jirta sidii ay u hanan lahayd gacan ku haynta Ammaanka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda.

Sidoo ka Shariif Xasan wuxuu intaa ku daray in Madaxweyne Shariif uu warqad u qoray, isla markaana uu ku wargeliyay inuusan shacri u laheyn in go’aanka ku soo celiyo Baarlamaanka, waxaana uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in sharciga loo hogaansamo.

Hase yeeshee diidmada qayixan ee ka soo yeertay Shariif Xasan ayaa mar kale horseedeysa inuu dib u soo laabto khilaafkii ka dhaxeeyay Madaxweynaha iyo isaga oo la sheego in wali uu taagnaa, waxaana la ogeyn sida markan uu saameyn kale u yeelan karo, tiiyo muuqato in labada dhinacba ay taageero xoogan ku heystaan Baarlamaanka gudihiisa.

Si kasta ha ahaatee horaantii bishan ayay aheyd markii Baarlamaanka uu muddo saddex sano ku darsaday howlihiisa, taasoo durba Caalamka iyo qeybaha bulshada ay si kulul uga soo horjeesteen, laakiin go’aankii Madaxweynaha ayaa noqday mid biyo qabow ku shubay qeyla-dhaantii kululeyd ee Beesha Caalamka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: