Dowladda KMG Soomaaliya oo dagaalada Muqdisho ku xoojisay Boqolaal ka tirsan ciidamada tababarka kusoo dhameystay dibadda.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta Dowladda KMG ay ku xoogisay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho Boqolaal ka tirsan Ciidamada Dowladda, kuwaas oo lagu arkayey wadooyinka, iyagoo ku sii durkaayo aagaga dagaalka, waxaana Ciidamadan oo ku labisan dareyska Ciidamada ay wateen qoryaha nuucyadooda kala duwan.

Sidoo kale Ciidamadan ayaa waxaa lagu arkayey iyagoo  ku lugeynaya wadada labadeeda dhinacood waxayna ciidamadan ay ahaayeen kuwo dhowaan soo gaaray Caasimada Muqdisho, kadib markii lagu soo tababaray dalal ay ka mid ah Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti.

Sida la sheegay in Ciidamada ay gaarayaan ilaa afar kun askari, kuwaas oo Dowladda KMG ku dooneyso inay ku qabato Caasimada Muqdisho, iyagoo gacan ka helaya Ciidamada AMISOM oo iyana gaaraya ilaa sideed kun askari.

Sida ay sheegeen Madaxda Sare ee dowladda KMG Soomaaliya in Dagaalkan uu yahay  mid istiraatiiji ah, ayna ku dooneysaa in maalmaha soo socda kula wareegto Caasimada, iyadoo durba aagag dagaal ka furtay qeybaha Mucaaradka ku sugan yihiin, taasoo la sheegayo mid culeys ballaaran oo dhinacyo badan leh ku saarayaan.

Warar ayaa shee gay in dagaalku uu ka dhacayo aagag cusub, oo ay Ciidamada Dowladda KMG horay u tagin iyo aagag kale oo hada dagaalada ku sii fideen, waxaana qorshaha oo ah mid muddo soo socday uu hada u muuqdaa mid Dowladda u qaadi doonto tallaabo dhanka Milateriga oo ay kula wareegto Caasimada.

Saraakiisha Qubarada xaga milateriga waxay sheegayaan in Istiraatiijiyada dagaal ee hada socota ay suura gelin karto in Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay Caasimada ka saaraan Mucaaradka, hadii ay sii socdaan dagaalada dhowrka jiho ee ay Ciidamadu qaadeen.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: