Qaar kamid ah wadamada Carabta oo ay ka bilaabatay in Ilmaha dhasha loogu magac daro FACEBOOK.

Halkaan ka akhri

Dhacdooyin Qosol iyo layaab xambaarsan ayaa iska soo daba burqanaya adduunka todobaadyadaan, markii ay iska soo daba noqdeen waxyaaba badan oo lalayaabo oo ka dhacaya adduun weynaha oo ay samaynayaan dad kala duwan oo ku kala nool daafaha adduunka, kuwaas oo waxyaanbahaas layaabka leh u samaynaya macno ay sheegayaan inay iyaga ugu fadhiyaan.

Mid ka mid ah dhacdooyinka todobaadkaan ugu qosolka badan caalamka ayaa noqotay Nin u dhashay wadanka Masar oo noqdey qofkii ugu horeeyey ee limo uu dhalo u bixiya magaca faceebok oo ah shabakad dhinaca bulshada ama wax loo yaqaanno social networ, xagga internet-ka ah oo ay dadku ku wada xiriiraan taasi oo xiligan ay isticmaalaan 500 milyan oo qof oo ku kala nool dunida daafaheeda.

Ninkan oo lagu magacaabo Jamal Ibrahim ayaa sababta uu ugu magac daray gabar u dhalatay facebook ku sheegay in site-kaas facebook uu qayb ka qaatay isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay wadanka Masar ee xukunka lagaga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Mohamed Xusni Mubaarak.

Wargeyska Al Ahram ee ka soo baxa magaalada Qaahira oo sheekadan qorey ayaa sheegay in ninkan uu ku sifeeyey magac bixinta gabadhiisa ee facebook ay tahay sida dhalinyarada iyo dadweynihii kacdoonka sameynayey ay ugu adeegsadeen aalada facebook-ga wararka isu baraarujinta dibadbaxyadii looga soo horjeedo madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Masar.

Dad badan oo ku dhaqan dalka Masar ayaa aaminsan in Internet-ku uu qayb weyn ka qaatay isbadalka siyasadeed ee dalkaasi ka dhacay, waana taasi sababta Jamal Ibrahim uu gabadhiisa ugu magac darey faceebok.

Laba Todobaad ka hor ayay ahayd markii Idaacad laga leeyahay New Zealnd ay sii daysay Sheeko adduun weynaha uu hal mar qosol iyo layaab amakaag iyo dhaliil lasocoto sii daayay markii ay idaacaddaas xayaysiisay naago doonaya niman guursada oo lacagna haysta taas oo xaalad ka abuurtay wadanka New Zealnd.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: