Advertisements

Ururada Haweenka oo maanta ciidanka dowladda KMG raashin ugu geeyey Aagga hore ee dagaalka.

Halkaan ka akhri

War aan ka helnay Aagagga uu dagaalka ka socdo ayaa sheegay in maanta Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ay markii labaad taakuleyn gaarsiiyeen ciidamada Xoogga dalka ee ku jira Aagga hore ee dagaalka.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Mas’uuliyiin ka kala socotay Ururada Haweenka Qaranka iyo Ururka dhalinyarada ayaa maanta raashiin taakuleyn ah gaarsiiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku howlan sidii ay u difaaci lahaayeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed isla markaana guulo ka gaaray dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay degmooyinka Deyniile iyo Hodan.

Dhanka kale Raashiinkan taakuleynta ah ayaa wuxuu ka koonkaa noocyada kala duwan ee raashiinka iyo macmacaanka, taasoo dhiirigelin wanaagsan u noqoneeysa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana sare u qaadeysa muraalka ciidamada.

Hase yeeshee taakuleyntan ay urarada Bulshada gaarsiiyeen ciidamada Xoogga ayaa ah markii labaad iyadoo maalintii shalay ay sidan oo kale si wadajir ah ururada haweenka iyo dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed biyo iyo raashin gaarsiiyeen ciidamada ku jira aaga hore ee dagaalka.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: