Dagaalladii ka socday magaalada Muqdisho oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya…

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay ay dib uga bilowdeen nawaaxiga wadada Warshadaha, dagaaladii u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo kooxda ururka Al-Shabaab, waxaana la sheegayaa in halkaasi ay socdaan dagaallo xoogan oo dhinacyada dagaalamaya ay isku weydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.waxaana si is daba-joog ah  loo maqlayaa daryanka madaafiicda kala duwan iyo rasaasta.

sidoo kalana Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalada saakay bilowday ay ilaa xalay ka socdeen wadada warshadaha gaar ahaan Wasaarada Gaashaandhigga, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, hase yeeshee agagaaraha Wasaaraddaasi ayaa waxaa ka socda is rasaaseyn u dhaxeysa dhinacyada dagaalamaya.

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo shalay la wareegay gebi ahaanba qeybo badan oo ka mid ah wadada Warshadaha ayna ka mid yihiin Wasaaradda Gaashaandhigga, Kulliyadda Jaalle Siyaad iyo dhismooyinka ku wareegsan.

Dadka agdhow goobaha lagu dagaalamay ayaa sheegaya in dagaaladani ay marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, waxaana muuqda ciidamada Dowladda iyo kuwo AMISOM ay ku sii siqayaan dhufeysyada Al-Shabaab ay ku lahayd degaanadaasi, waxaana dagaaladaasi ay ka dambeeyeen kaddib markii xalay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay madaafiicda dheereysa la beegsanayeen fariisimaha Al-Shabaab sida xaruntii Istadium Muqdisho, Dayniile, xerada Maslax iyo degaanno kale.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: