Halkaan ka akhri
Waxaa maanta magaalada Muqdisho Banaanbax lagu taageerayey Guusha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ku hooyeen dagaaladii ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Sidoo kale dibadbaxaan ayaa ahaa mid aan sidaasi u balaaraneyn ayaa maanta waxaa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Isgoysyada Banaadir iyo KM-4 ee magaalada Muqdisho kaasi oo lagu taageerayay dagaaladii ugu dambeeyay oo dowladda KMG Soomaaliya ay la gashay Xarakada Al Shabaab islamarkaana ay kula wareetay fariisimo ay ku suganaayeen ciidamada Shabaab.
Waxaa kalpp la sheegay in dadka dibadbaxa samayay ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab iyo ereyo ay ku taageerayeen dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo dadkaasi markii dambe ay isugu soo urureen Isgoyka Zoobe halkaasi oo ay ka hadleen qaar ka mid ah qaban qaabiye yaashii dibadbaxa.
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ayaa sugayay amniga goobta banaanbaxa iyadoo ay goob joog ay ka ahaayeen qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir gaar ahaan gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee gobolka Banaadir.
Si kasta ha ahaatee bannaanbaxan ayaa wuxuu ku soo aadayaa xili maalintii shalay dagaalo xoogan oo dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM ay ku qaadeen fariisimo ay ku suganaayeen Xarakada Al Shabaab iyadoo markii dame ay AMISOM iyo dowladda u suuro gashay iyagoo is garabsanaya inay la wareegaan wasaaradii gaashaandhiga.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.