Jaaliyadda Soomaalida Dalka Zambia oo dhigtay Xaflad lagu maamusayo xuska dhalashada Nabigeena CSW.

HOOS KA EEG SAWIRO KALE

Halkaan ka akhri

War uu noo diray Wakiilka SomaliSwiss ee dalka Zambia ayaa sheegaya in Jaaliyadda Soomaalida dalka Zambia ay dhigeen Xaflad aad u balaaran oo lagu maamusayo dhalashada Nabi Muxamed CSW oo ka dhacay magaala madaxda Wadanka Zambia ee Lusaka, Xafladaas oo ay ka soo Qeyb galeen Ummaddo badan oo Islaam ah, waxaa ka soo qeyb galay Dhaman Safaradaha Islaamka, munaasabadan oo lagu weyneynayay dhalashada Nabi waxay ka dhacday Holl-weyn iyo Teendhooyin loo diyaariyey dadkii ka soo qayb galay

Sidoo kale Xafladan ayaa  Soomaalidu si gaar ah u diyaarshay Teendho Weyn iyada oo ay ka soo qeyb galeen dhaman soomaalida Zambia jogta, waxaa sidoo kale xubnahii ka soo qeyb galay ka mid aha, Safiirka Soomaalida ee Zambia , Suldaan Cali Baasho oo ka socday Dhaqanka Somalida, Muftiga Zambia iyo Culumaa’udiin aad u tiro badan iyo Shacabka Muslamiinta ah.

Sida uu noo soo sheegay Wakiilka SomaliSwiss Xafladaan ayaa ahayd mid aad u balaarneed ayaa waxaa hadalo aad dadku u xiisenayeen  halkas ka soo jeediyay qaar ka mid ah culamadii ka soo qayb gashay ,sidoo kale waxaa Soomaalida si aad ah u farax geliyey hadal uu safiirku u jeediyay ee ahaa: “” in aan mar danbe dadka Soomaalida ee Zambia ah aan lagu dhibi doonin dalka Zambia hadii dowladu ay Jawaab dag dag ah aysan ka bixin 3-qof oo Soomaali ah oo laga tarxiilay wadanka in ay Zambia ka baxi doonan Wadamada dariska la ah Zambia ay somalidu u wareegi doonto” waayo Safiirku wuxuu soo hadal qaaday in Soomaaliya ay Zambia u qabatay dhismo Wadooyin iyo in ay Xoriyadooda ay qeyb weyn ka soo qaadatay.

Safiirka oo ka hadlayay Mowliidka wuxu yiri  “Wadaadada  cusub ee diinta cusub wada diidayna in Mowliidka la qabto waa kuwa wadanka qasaya, waxaana ay ka gudbeen dilkii dadka bay hada u dhaceen in Qabuurahana ay La soo baxaan iyaga aan la aqoon meesha ay diintan ka keenen ”  Dadka wuxuu ugu baaqay in kuwaas la iska qabto si
adag isaga oo dadka oola hadlaya .

Sidoo Kale waxaa  halkaas khudbado balaaran ka soo jeediyay Muftiga Zambia oo somalida ugu duceeyey nabad wuxuna ugu baaqay in is dhex-gal ay la sameeyaan dadka reer Zambia ee Islaamka ah si somalidu ugu fududaato sharciyada .

Ugu danbeyntii Culumadii meeshaas ka hadashay waxa ka mid ahaa  Sh. Axmed Maxamed Cali ( Garyare ), Sh Abshir C/raxman Yusuf, Sh. Cumar Caaqib.

SomaliSwiss Lusaka

SomaliSwiss@hotmail.com



%d bloggers like this: