Dagaallo culus oou dhaxeeya ciidamada dowladda KMG & Al-Shabaab oo maanta si rasmi ah uga billowday gobollada Hiiraan iyo Gedo.

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalooyinka Balad-xaawo ee Gobolka Gado iyo magaalada Baladweye ee Xaruunta Gobolka Hiiraan si gooni gooni ah uga soo baxaya warar sheegaya in labadaas Degmo ay  si rasmi ah ugu bilowdeen dagaal Culus oo u dhaxeeya Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamada Dowlada KMG ah oo gacan ka helaya Ururka Ahlu Sunna iyo Ciidamo lasheegay inay yihiin Ethiopiyaan.

Dadka Reer Baladweyne ayaa waxay sheegeen in dagaalka uu ka qarxay duleedka magaalada Baladweyne Kaas oo u soo siqayay gudaha magaalada ,waxana jirta Cabsi soo wajahday dadka rayidka Ah oo aan Waxba galabsan oo had iyo jeer dushooda lagu dagaalamo.

Dhanka  kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaal culus uu ka dhacay Afaafka hore  ee Dagmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo waxaana iminka laga maqlayaa gudaha magaalada Balad Xaawo Rasaas culus oo ay isweydaarsanayaan Ciidamada Dowladda kuwa Ahlu Suna oo isku dhinac ah iyo Ciidamada Xarakada Al-shabaab ee G/Gedo.

Dagaaladaan Ka billaabmay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolada Gedo iyo Hiiraan ayaa horay loo sheegay in dowladda KMG ay ku doonayso inay kula wareegto gacan Ku haynta guud ahaanba Gobollada dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Baladweyne/Balad-Xaawo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: