Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo la wareegay wadada isku xirto Warshadaha iyo Suuqa Bakaaraha.

Halkaan ka akhri

Dagaalladii shalay ilaa iyo maanta  ka socday Muqdisho qeybo ka mid ah ayaa Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan fariisimo ay horay u haysteen Xarakada Al-Shabaab.

Sida  warku uu nagu soo gaaray in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah ay la wareegeen saakay fariisimo ay ka mid ah Warshadda Caanaha, Xaafadda Raadeedrka iyo Xiradii hore ee Guulwadayaasha, iyadoo dagaalku uu weli socdo.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalka xoogiisa uu saakay ka socday Degmada Hodan xaafado ka mid ah, iyadoo ciidamada AMISOM weliba kuwa Dalka Burundi ay yihii kuwo dhinac dhulka ku socda oo lugaynaaya, laguna arkayo iyagoo xafadaha ka dagaalamaya.

Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegayaa inay ku siisiqayaa gobo fara badan, iyadoo rasaasta ay xiligaan ku dhacayso Xereda Siirkole Official-e.

Dadweynaha ku dhaqan xaafadaha ka agdhow goobaga dagaaladu ay ka dhacayaan ayaa sheegaya in dagaalku uu yahay mid aan waligood arkin, ahse ahaatee dhawaaqa madaafiicda iyo rasaasta culus ayaa laga maqlaayaa daafaha Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalku uu yahay mid aad u culus, waxaana xiran maanta jidka Wadada Warshadaha oo ahaa kan kaliya oo dhanka Suuqa Bakaaraha laga galaayay.

Waxaa saakay joosaday isku socodaka dadka iyo gaadiidka ee Suuqa wayn ee Bakaaraha, kadib markii saakay waaberigii uu dagaal ka dhacay wadadii kaliya ee suuqaasi loo maraayay ee Jidka warshadaha.

Gebi ahaan waxa maanta xiran Ganacsigii suuqa Bakaaraha, waxayna dadku ay ka cabsi qabaan in dagaalku uu gaaro Suuqaas, balse warar ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan suuqa, waxana la filayaa in lagu kala baxo gacan ku haynta Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah ayaa u muuqda kuwo dagaalka iminka socda Horumar ka samaynaaya, mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab, hase yeeshee Abaanduuliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya C/kariin Dhagabadan uu sheegay inay guulo ka gaareen dagaalkii saakay dhacay, islamarkaana ay ciidamdooda sii socdaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: