Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saaka ay ka socdeen dagaalo goos goos ah iyo madaafiic isbar bar socotay oo khasaare geysatay ay ka dhacayeen xaafado kuyaala degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo malamihii u dambeeyay ay ku dagaalamayeen Ciidamada DKMG iyo Xarakada Al-Shabaab.

Sida saakay lagu soo warramay xaaladu waa ay ka degan tahay sedaxdii maalin ee la soo dhaafay oo iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xarakada Al Shabaab oo ay isaga horyimaadeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay dagaalo xoogan ay ka dhacayeen.

Sidoo kale dagaalada ayaa had iyo jeer waxaa daba soconayay madaafiic xoogan oo ay is weydaarsanayeen labadaasi dhinac, waxaana madaafiicdaasi inta la ogyahay ku geeriyooday hal qof halka sedax kale oo dhamaantood ahaa dad rayid ahna ay ku dhaawacmeen.

Qaar ka mid ah dadka deegaan ayaa sheegaya in Goobaha ay isku horfadhiyaan dhinacyada dagaalamaya laga maqlayaa dhawaqa rasaas teel teel ah iyadoo madaafiicna ay ku dhaceyso xaafado ka baxsan halka lagu dagaalamay sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Balse Hay‘adda gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa Warbaahinta Muqdisho u sheegay in sedaxdii maalin ee la soo dhaafay ay qaadeen dhaawacyada ku dhaw 80 qof, islamarkaana ay arkeen dhimashada in ka badan 25 kale oo dhamaantood ahaa dad rayid ah, waxaana jira sidoo kale qasaare intaasi ka badan oo dagaalada iyo qaraxyada ka soo gaaray dad shacab ah.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: