Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir oo shaaca ka qaaday in ay ka war heleen qaraxyo is miidaamin ah oo hor leh.

Halkaan ka akhri

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Axmed Xasan Maalin ayaa shaaca ka qaaday inay ka war heleen qaraxyo is miidaamin ah oo hor leh, kaasoo ay diyaarinayaan Xarakada Al-Shabaab, si ay weeraro ugu fuliyaan deegaanada Dowladda KMG ah ay ka arrimiso.

Sidoo kale Col. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in hada ay si weyn ula soconayaan dhaq dhaqaaqyada ay wadaan Shabaab, isagoo cadeeyay inay ka war hayaan qorshayaasha ay maleegayaan Shabaabku.

Taliyaha Booliska oo hadalkiisa sii wato wuxuu intaa ku daray in Ciidamada Booliska ay heegan ku jiraan wuxuuna yiri “Waan ka war heynaa qaraxyada ay maleegayaan ee ismiidaaminta, waxaan ognahay meesha ay ku diyaarinayaan”.

Dhanka kale kale Taliyaha ayaa xusay in Al-Shabaab hada ay ku diyaarinayaan qaraxyadaas Gobolada Shabellaha Hoose iyo Gobolka Banaadir, isagoo tilmaamay in dhalinyaro ay u marin habaabiyeen inay is qarxiyaan.

Sida uu sheegay Gaashaanle Axmed Xasan Maalin in meelaha ay ku diyaarinayaan lala socdo, waxaa ka mid ah meelaha la kala yiraahdo Kaytoy oo ka tirsan Janaale Gobolka Shabellaha Hoose, Ifka Xalane, Xararyaale iyo Isbartiibada Muqdisho.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Ciidamada ay hada kadib baari doonaan  Gaari dameerada iyo gawaarida caadiga ee shacabka, maadaama gaarigii shalay ee qaraxa lagu fuliyay loo soo ekeysiiyay gaadiidka qudaarta looga keena beeraha.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa inta badan ku baraarugta marka ay dhacaan weerarada, iyadoo aanay dhicin ficil ka hortag ay sameeyaan Ciidamada Dowladda ka hor inta aan weeraro lagu soo qaadin.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: