Madaxweynaha dowladda KMG Soomaliya oo shalay la hadlay boqolaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaliya.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaliya ayaa wuxuu maalintii shalay  ahayd la hadlay  boqolaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaliya ayaa sheegay in xilligan ay mareeyso awoodda kooxda Al-shabaab heerkii ugu hooseeyey oo ay wiiqantay cududdoodii Milatari iyo tan dhaqaale intuba.

Sidoo kale wuxuu sheegay in la joogo waqti ay ciidamda qaranku u diyaarsan yihiin inay soo celinta nabadda dalka iyagoo gudanaya waa jibaadkooda qaran ee saaran  waxaanu madaxweynuhu ugu mahad celiyay ciidanka doowlda guulihii ugu dambeeyay  ee ay soo hooyeen.

Hase yeeshee Sheikh Shariif wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in laga fogaado qabiilka qaar ahaan ciidanka, waxuuna tilmaamay in muddo 20 sano ah la waday  isla markaana aan loo baahneyn in lagu sii jiro waxaa loo baahan yahayna ay tahay doowladnimo, haddana gacnta lagu hayo Dowladduna ay daryeeleyso ciidanka.

Sida la wada ogsoon yahay madaxweyne Shariif iyo   madaxda sare ee doowladda ayaa waxay horay ugu dhiirri gelin u sameeyay ciidanka qalabka sida ee Soomliya  iygoo ku celceliyay in ay daryeeli doonaan ciidanka  taa si oo la aaminsan yahay in qeyb ka qadan doonto soo celinta nabadda Soomaliya.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday dhamaan dadka u shaqeeya dowlada gaar ahaan ciidamada in ay xooga saaraan sidii ay mugooda isugu geyn lahaayeen samata bixinta dalka Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay xilli uu shalay ka dhacay Muqdisho qarax ismiidaamin ahaa oo lala eegtay xarun ciidan, iyadoo ay magaalada Muqdisho ay ka jiraan dagaalo aad u xoog badan oo u dhexeeya Ciidamada Dowlada KMG iyo Xarakada Al-shabaab.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: