Dadweyne ku bannaanbaxay magaalada Muqdisho oo dowladda ka dalbaday in la sii daayo M/Dheere.

HOOS KA EEG SAWIRO KALE

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho bannaanbax dowladda lagaga dalbanayey in la sii daayo hoggaamiye kooxihii hore  Maxamed Cumar Xabeeb oo dhawaantan xabsiga loo taxaabay, isagoo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa dhacdadii ka dhacday Teaterka ee dilka looga geystay dad bannaanbaxayey.

Sida lagu soo warramay boqollaal qof oo dadweynaha G/Banaadir degan ah oo iskood u abaabuleen kana tirsan beesha uu ka dhashay Maxamed Dheere ayaa bannaanbaxoodu waxay ku dalbanayeen in la daayo Hoggaamiye Kooxeedka iyo ragga kale ee lala xiray.

Bannaanbaxayaasha ayaa waxay socod dheer ku maray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa ku dhaawaqayay ereyo ay ku doonayaan in la sii daayo hoggaamiye Maxamed Dheerem, iyagoo sheegay in xarigiisa uu yahay mid xadgudub ah oo aan haba yaraatee wax dembi ah gelin eedeymaha lagu soo oogay.

Sidoo kale warku wuxuu intaa ku darayaa in dadweynaha bannaanbaxayay ay socod ku tegay Isgoysyada Km4, Xaawo Taako, Hotel Naasa-hablood2, Ex-Baarlamaan, xarunta Madaxtooyada, Guriga Hooyooyinka, Ex-Fiyoore, waxana kor u ruxayay boorar ay ku qoran yihiin “Boqolka ee Dowladda qabsatay ma xariga Maxamed Dheeraa?” iyo ereyo kale oo tilmaamayay inuu sharci darro yahay xariga hoggaamiyaha siyaasadda beesha Muddulood Maxamed Dheere.

Dhanka kale waxaa la sheegay in Ilaalada Xarunta Madaxtooyada ay rasaaseeyeen dadkii dibadbaxayey markii ay marayeen meel u dhow Madaxtooyada, waxaana halkaasi ku dhaawacmay Haweeney iyo wiil yar oo ka mid ahaa dadkii bannaanbaxayay, kuwaasi oo markiiba loola cararay goobaha caafimaadka.

Hase yeeshee qaar ka mid ah bannaanbaxayaasha oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in xariga Maxamed Dheere ay ka dambeyso arrimo siyaasadeed, iyagoo sheegay arrintaasi uu ka dambeeyo shaqsiyaad ka mid ah madaxda Dowladda KMG ah, sidaas awgeed in xariga Maxamed dheere uu yahay mid aargoosi ah oo ay ku kaceen madaxda sare ee Dowladda KMG ah.

Si kasta ha ahaatee Bannaanbaxan ayaa ah kii labaad oo ay ka dhacaan magaalada Muqdisho laguna dalbanayey sii deynta Maxamed Dheere, isla markaasina raalli gelin ka bixineyso dowladda KMG tacadigii been abuurka ahaa loo geystay Maxamed Dheere.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: