Xukumadda KMG Soomaaliya oo War Saxaafadeed ka soo saartay khasaarihii ka dhashay weerarkii is-qarxinta ahaa!!!

Halkaan ka akhri

Xukumadda KMG Soomaaliya ayaa  si xooggan u cambaareysay weerarkii  is-qarxinta ahaa oomaanta oo isniin ah  lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Muqdisho, waxayna Xukuumaddu ay muujisay sida ay uga naxday khasaaraha nafeed ee qaraxaas ka dhashay.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu caddeeyey in Toddobo qof ay naftooda ku waayay weerarka, 35 kalena ay ku dhaawacmeen, hase ahaatee 15 ka mid ah dhaawacaas laga bixiyay isbitaalka kaddib markii la daweeyay, balse dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah laba carruur ah oo kala jiray 10 iyo 11 sano jir oo ka ag dhowaa goobta.

Wasiirka Warfaafinta, Boostaha iyo Isgaarsiinta, ayaa dhacdadaas ka hadlay wuxuuna yiri: “ Qaraxaas wuxuu ahaa weerar fulaynimo ah, Kooxda xagjirka ah waa caadadooda in mar kasta oo ay ku jabaan goobaha dagaalka inay bar-tilmaameedsadaan meelo jilicsan.”

Sidoo kale wuxuu intaas raaciyey, isagoo hadalkiisa sii wato “ Ciidankeenu kuma niyad-jabayo falalka qaska ku dhisan, wayna sii wadi doonaan tallaabooyinka ay ka qaadayaan inay dalka ka baabi’iyaan xagjirka iyo argagixisada.”

Dhanka kale Xukuumaddu waxay tacsi u direysaa qoysaskii dhibaatadu ka soo gaartay weerarka, iyadoo Alle uga baryeysa inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Si kasta arrintu ha u dhacdee weerarkan ayaa imanaya maalmo kaddib markii Al-Shabaab ay kala kulantay dagaal aad u culus ciidanka Dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada AMISOM oo weerar xooggan ay ku qaadeen Xarakada Al-shabaab.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: