Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho dagaalo iyo duqeymo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-Shabaab, wuxuuna maanta wali uu  ka soconayaa qeybo ka mid ah degmooyinka shalay iyo dorraat lagu dagaallamay.

Sida lagu soo warramay dagaaladan iyo duqeymahaan ayaa xalay si goos goo ah ugu socanayay xaafado hoostaga degmooyinka Hodan iyo Howlawadaag, hase ahaatee saakay mar kale ay ka qarxeen deegaano ka tirsan Hodan iyo Howlwadaag.

Hase yeeshee waxaa wali aan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee saakay ka dhashay dagaaladaasi, balse haddana wararka ka imaanaya goobaha lagu dagaalamayo waxay tilmaamayaan inay jiraan khasaaro soo gaaray dadka rayidka ah.

Si kasta ha ahaatee qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Hodan ayaa Warbaahinta Muqdisho  uu sheegeen in dagaalka uu u soconayo si aad u xoogan islamarkaana aysaaka  ku soo baraarugeen dhawaqa rasaasta iyo Madaafiicda ay is weedaarsanayeen labadaasi dhinac.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: