Saldhiga ciidamada dowladda KMG ay ku leeyihiin degmada Xarmar-Jajab oo lagu weeraray Qarax Ismiidaamin ah.

Halkaan ka akhri

Saldhiga Ciidamada dowladda KMG ay ku leeyihiin degmada Xarmar-jajbab ee gobolka Banaadir ayaa saaka lagu weeraray Qarax Ismiidaamin ah oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac gaystay.

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay Saaka barqadnimo Saldhiga ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Nawaaxiga dekadda maagalada Muqdisho.

Warar la xiriira Qaraxaas ayaa sheegay in ilaa iyo hadda inta la ogyahay ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof oo isugu jira ciidamada dowladda iyo dad shacab ah, waxaana goobta lagu arkayaa meydadka dad jirkoodu uu aad u gubtay.

Qaraxaani oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa lagu fuliyey  gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ay wateen dad naftooda hurayaal ah ayaa waxay la galeen Xarunta Sarandi oo fariisimo u ah ciidamada ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Sdhanka kale dadka deegaanka ayaaWarbaahinta u sheegay in gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lala bartilmaameedasaday goob ay ku sugnaayeen Askar ka tirsan ciidamada dowladda, waxana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askartii ku sugneyd xeradaas.

Hase yeeshee ma cadda cidda weerarkaasi ka dambeeysa hase ahaatee Xarakada Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ismiidaamin ah ku qaada saldhigyada ciidamada AMSIOM iyo kuwa dowladda KMG

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: