Madaxweyne Sheikh Shariif oo maanta hambalyo u diray dhiggiisa Yoweri Museveni oo dib loogu doortay Madaxweynimada dalkiisa.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta hambalyo u diray Madaxweyne Yoweri Museveni in dib loogu doortay Madaxweynimada dalka Uganda, inuu sii hayo xilka muddo kale .

Sidoo kale Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa xusay in shacabka Uganda ay muujiyeen kalsoonida ay ku qabaan hoggaanka kartida leh ee Madaxweyne Museveni inuu dalkooda sii hoggaamiyo muddo shan sano oo kale.

Sheikh Shariif oo arrintaas ka hadlaya wuxuu Yiri: “Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan shacabka Soomaaliyeed, waxaad naga guddoontaa hambalyo diirran oo ku aaddan in dib laguugu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yugaandha.”

Hase yeeshee Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu ku tilmaamay dhiggiisa Uganda inuu yahay “taageere weyn oo ay Soomaaliya leedahay.” Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale muujiyay kalsoonida uu ku qabo in xiriirka walaaltinnimo ee labada dal la sii xoojin doono, taasoo labada dalba faa’iido u ah.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: