Advertisements

Meydadka Askar ka tirsanayd ciidamada AMISOM oo ay xarakada A-Shabaab maanta ku soo bandhigtay Xerada Maslax ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ay ku soo bandhigtay Xarakada AL-Shabaab Meydad Askar ka tirsanaa ciidamada AMISOM oo ay sheegeen in ay ku dileen dagaaladii shalay ka dhacay Muqdisho iyo hub ay kala wareegeen.

Saraakiisha Xarakada AL Shabaab Meydadka ayaa maanta ku soo bandhigeen Xerada Maslax ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxayna aheeyeen labo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM, kuwaasi oo ay sheegeen inay ku dileen dagaalkii shalay ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir

Sidoo kale Xarkada Al Shabaab ayaa halkaasi waxaa ay saxaafadda ugu soo bandhigeen Saanad Milatari iyo qalab u gaar ah ciidamada AMISOM oo ay sheegeen inay kula wareegeen dagaalkii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Sheikh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) oo ah Afhayeenka Al Shabaab ayaa warbaahinta kula hadlay Xerada Maslax wuxuuna sheegay in ciidamada Shabaab ay u suura gashay dilka askarta meydadkooda ay soo bandhigeen ee ka tirsanaa AMISOM iyo hub casri ah oo uu tilmaamay inay si gaar ah u lahaayeen ciidamada AMISOM.

Dhinaca kale Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhan ah ciidamada dowladda Federalka KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Si kasta ha ahaatee marka laga soo tago hubka iyo sanadaan Milatari oo ay soo bandhigeen Xarakada Shabaab ayaa hadana saraakiil u hadashay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in dagaalkii shalay ay ku dileen askar ka tirsan Xarkada Al Shabaab ayna la wareegeen dhowr fariisan oo ay Shabaab ku lahaayeen degmooyinka Hodan iyo howlwadaag ee gobolka Banaadir.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: