Advertisements

Madaxa amniga iyo nabad galyada Midawga Africa oo magaalada Addis Ababa kula kulmay mus‘uul ka tirsan Isbahaysiga NATO.

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalada Addis-Ababa Kulan ku dhex maray Madaxa golaha amniga iyo nabadgalyada Midawga Africa Rantane Lamamra iyo sarkaal aan magaciisa la sheegin oo ka socday isbaheysiga NATO ayaa la sheegay in NATO ay caawineyso ciidamada midawga Africa Soomaaliya ka jooga ee AMISOM.

Sida lagu soo warramay in Kulanka labada mas’uul ay iskula meel dhigeen qorshe ay NATO ku taageerayso ciidamada AMISOM iyadoona tababaro la xiriira hubinta amaanka Soomaaliya loo sameyn doono cidamada AMISOM.

Sisoo kale Rantane Lamamra ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ENA in qorshahaan NATO ku taageerayso ciidamadooda Soomaaliya jooga uu yahay mid ay NATO ugu talo gashay wadamada gobolka geeska Africa waxaaa uu intaa ku daray in sarkaalka NATO ka socday uu u balan qaaday in gudaha Soomaaliya ay geynayaan qalab ay ugu talo galeen ka hor taga weerarada c iidamada AMISOM lagu qaado

Dhanka  kale Lamamra waxaa uu sheegay in NATO ay ku caawinayso Midawga Africa daad gureynta ciidamada Midawga Africa ugu talo gashay in Soomaaliya la geeyo.

Sida la wada ogsoon yahay Isbahaysiga NATO ayaa horey ugu taageeray Midawga Africa qalab iyo saanado ciidan waxaana ciidamada AMISOM ay taageero xoogan ka helaan wadanka Mareykanka oo NATO xubin ka ah.

SomaliSwiss Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: