Advertisements

Ku xigeenka Abaan-duulaha ciidamada badda ee Maraykanka oo sheegtay in ay xoog ku soo furanayaan dalxiisayaasha Maraykanka…

Halkaan ka akhri

Ku xigeenka Abaan-duulaha ciidamada badda ee Maraykanka oo sheegtay in ay xoog ku soo furanayaan dalxiisayaasha afduubtay Burcad badeeda Soomaaliya, hase yeeshee waxaa haatan Dowladda Maraykanka iyo Saraakiisha Ciidamadda badda ay  ka fakarayaan sidii  talaaba Milatari ay uga soo furan lahaayeen Muwaadniinta u dhalatay dalka  Maraykanka oo ay gacanta ku hayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Sidoo kale Ku xigeenka Abaan-duulaha ciidamada badda ee Maraykanka gaar ahaan guutada 5-aad Admiral Charles Gaouette oo la hadlayay Tv ku yaala dalka  Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada badda ee dalkaasi ay isku diyaariyeen inay qaadaan weerar ka dhan burcad badeeda Soomaalida ee gacanta ku haya Muwaadiniinta u dhalatay dalkaasi.

Admiral Charles Gaouette oo la hadlayey Tvigaas wuxuu yiri: “Muwaadiniinta ay burcad badeeda qabteen waxaa ay ka mid yihiin kooxo dal xiisayaal dhanka badda ee Maraykanka ah, kuwasi oo ka shareecanayay Cirifka Koofureed ee dalka Hinidiya, hase ahaatee kooxaha burcad badeeda ayaa gacanta ku dhigay”.

Lamaanayaal u dhashay dalka Maraykanka Jean iyo Scott Adam oo safaro dhanka badda ah waday mudo lix sano ah ayaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida waxaa ay ka afduubteen meel ka baxsan xeebaha dalka Cuman, hase yeeshee waxaa lagu soo  warramay in Doonta ay wateen lamaanaha ay Safarkoou ku wehliyeen laba Muwaadin kale oo Maraykanka ah.

Sida la wada osoon yahay Dowladda Maraykanka ayaa hor ay xoog uga furatay Markab iyo Kabtankii saarnaa kuwaasi oo dilay tiro burcad badeed ah halka mid kalena ay dorraat ku xukuntay Maxkmad ku taala dalka Maraykanka 34-sano oo xariga ah.

SomaliSwiss New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: