Dagaaladii u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa xarakada Al-Shabaab oo weli kasocda magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanya magaalda Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan In Saaka Aroortii Uu markale Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Ciidamada Al-shabaab ka qarxeen qeyba ka mid ah Dagmada Hoowlwadaag ee Gobolka Banaadir halkaasi oo shalay uu ka dhacay Dagaal culus.

Dagaalka saaka ayaa waxaa uu yahay mid xoogan waxaana uu si toosa uga dhacayay Xaafada Shanta Geed ee Dagmada Hoowlwadaag waxaana la maqlayaa Rasaas culus oo ay Labada dhinac isku adeegsanayaan taasi oo waxyeelo gaarsiisay dad Rayid ah.

Ilaa haatan lama oga  qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalada Saaka ka qarxay Muqdisho, waxaase sii kordhaya Dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay Madaafiic xalay oo dhan lagu garaacayay Xafada ka mid ah Muqdisho Waxaana La sheegaya in ilaa iyo 6-Qof ay Ku Dhinteen Duqeentaasi.

Dhanka kale Cabdi-Kariin Yuusuf oo ah Abaan-duulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliya oo Saxaafada la hadlay wuxuuna sheegay In ay ka Go’antahay In ay sii wadaan dagaalada Ay Kula Jiraan Alshabaab oo Muqdisho ka soconaya.
Yuusuf  Dhaga badan oo ka hadlaya dagaalada ayaa wuxuu yiri: “waxaa biloowday Dagaalkii lagu wiiqi lahaa Al-shabaab islamarkaana lagu soo celin lahaa Amaankii iyo kala danbeyntii Dalka taasoo mudaba ay ciriiri galiyeen Al-shabaab“.

Abaan duuluhu wuxuu intaasi ku daray dhaga badan in Ciidamada Doowlada ay iminka gacanta ku dhigeen aagag ay ku sugnaayeen Ciidamada Alshabaab waxa uuna wacad ku maray sii wadista Dagalka ka dhanka Alshabaab oo iminka gacanta ku heysa inta badan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Waxaa uu Ku soo Beegmaya hadalkiisa Xili ay shalay iyo Maantaba Uu Dagaal qaraar uu Ka socdo Muqdisho Kaas oo geesanaya Khasaarooyin Dhimasho iyo Dhaawac Farabadan.

Hadalka Abaan duulaha ayaa Ku soo Beegmaya Xili ay shalay iyo Maanta uu dagaal qaraar uu Ka socdo Muqdisho, Kaas oo geysanaya Khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac Farabadan leh.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: