Advertisements

Boqorka Sweden Karl Gustavka oo Booqday Xarun Hida & Dhaqan Soomaaliyeed oo ku taala magaalada Malmö.

HOOS KA EEG SAWIRO KALE

Halkaan ka akhri

Waxaa todobaadkan booqasho ku tagay xarunta ururka Soomaaliyeed ee Hidde Iyo Dhaqan ee magaalada  Maalmö, boqorka dalka Sweden ee Karl Gustavka 16aad iyo madax badan oo la socotey oo uu ka mid ahaa duqa magaalada Maalmö iyo telefishinada  iyo idaacadaha iyo wargeysyada dalka Sweden.

Waxaa halkaa si diirran ugu soo dhoweeyey guddoomiyaha ururka Hidde iyo Dhaqan Warsame Yaasiin Cismaan iyo weliba carruur, dhallinyaro, waayeel iyo  soomaalida deggen Maalmö.

Hase yeeshee waxaa Kulankaas lagu  soo bandhigay cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo ay soomalidu ku faanto sida dhaantada, aad ayaa loogu riyaaqay ciyaarahii ay carruurtu Soomaaliyeed u soo bandhigeen Boqorka Sweden.

Waxaa halkaa goobjoog ka aha Soomaali badan iyo weliba ajaanib oo u hambalyeyey dhallintii Soomaaliyeed, ayagoo ugu baaqaya inay halkaa ka sii wadaan, kuna faanaan dhaqankooda quruxda badan oo aysan jirin cid lawadaagta.

Mar aan wax ka weyddiiney guddoomiyaha ururka Hidde iyo dhaqan Warsame sida uu u arko booqashada Boqorka dalka Sweden, wuxuu ku jawaabay sidan “ Waxaan tusnay boqorka Sweden iney soomaalidu leedahay dhaqan qurux badan, oo mudan in qof walba oo soomaali ah uu ku faani karo, waxaan lee yahay soomaalida barta waddanka aad ka timaadeen ( Soomaliya ) iyo kan aad hadda ku nooshihiin si aad wax ugu  kordhisaan labadaba.

Booqashadii boqorka ka dib waxaan galabnimadii xarunta ururka Hidde iyo Dhaqan kula kulmey, carruur, dhallinyaro, waayeel Soomaaliyeed oo aad ugu faraxsanaa booqashada boqorka Karl Gustavka 16 aad oo uu ku yimid xarunta ururka Hidde iyo Dhaqan.

Sidoo kale waxaa jiray in maalmahaan jaraa´idyada waaweyn ee ka soo baxa dalka Sweden ay si aad ah wax uga qorayeen booqashada Boqorka uu ku tagayo xarunta ururka hidde iyo dhaqan iyo waxa uu kala kulmi doono soomaalida.

Dhanka kale Boqor Karl Gustavka 16 aad ayaa markii uu daawaday cayaarihii hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida oo ay soo bandhigeen carruur da´dooda u dhaxeyso 9 jir ilaa 11 jir, kadib waxaa uu la galay sawiro xusuus ah dhammaan dadkii soo qabanqaabiyey xafladdaas haddii alle idmo waxaan idiin soo gudbin doonaa filmkii laga duubay xafladaasi.

Si  kasta booqashada Boqorka ha u dhacdee waa markii ugu horeysay oo uu Boqorka dalka Sweden booqasho ku tago xarun ay leeyihiin urur Soomaaliyeed ee ka jira dalka Sweden, arrintan oo ay si weyn u soo dhaweeyeen guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed  ee ku dhaqan dalka Sweden.

Sida la wada ogsoon yahay Dalka Sweden ayaa ka mid ah dalalka Europe ama Sakandenefiyenka la isku yiraaho oo ay ku dhaqan yihiin Soomaali badan oo kasoo baro kacay dalkooda, ayadoo hada lagu qiyaaso dadka Soomaaliya ee ku nool Sweden inay gaarayaan in ka badan 50 kun.

SomaliSwiss Malmö

Jaaliyadda Soomaaliyeed  ee ku dhaqan

dalka Sweden  Diyaariye Farah Yassin

SomaliSwiss@hotmail.com


Advertisements
%d bloggers like this: