Halkaan ka akhri
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka socda dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Xarrakada Al-Shabaab, waxaana wararkii ugu horreeyey ay  sheegayaan in dadka ku dintay dagaalka ay gaarayaan 10-qof oo isugu jira shacab iyo dhinacyada dagaalamaya.
Sidoo kale waxaa la soo sheegay in dagaalladan ay ka socdaan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Wardhiigley ayaa billowday markii ciidamada AMISOM oo garabsanaya kuwa DKMG ah ay horay uga dhaqaaqeen goobo ay degmooyinkaas kaga sugnaayeen Xoogagga Xarrakada Al-Shabaab.
Dhanka kale Goobjoogayaal ku sugan degmooyinka ay dagaalladu ka socdaan ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku-siqeen goobo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahannada Xarrakada Al-Shabaab, hase ahaatee waxaa degmooyinka G/Banaadir ee aan dagaalladu ka socon laga maqlayaa hugunka hubka Madaafiicda culus iyo rasaasta qoryaha fudud.
Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in inta la ogyahay ay ku dhinteen madaafiicda iyo rasaasta labada dhinac u dhexeysa laba qof oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo shacab ah, kuwaasoo dhaawacyadooda loo qaaday isbitaallada ku yaala magaalada Muqdisho.
Balse ma jiraan wax hadal ah oo kasoo baxay dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyo, hase yeeshee  dagaalladan ayaa shalay si horudhac ah u sheegay afhayeenka AMISOM Maj. Barigye Bahuko inay isku ballaarinayaan degmooyinka Muqdisho.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.