HOOS KA EEG SAWIRO KALE
Halkaan ka akhri
Urur Haween ah oo lagu magac baxay Povert Allitiation and Human Development Association (PAHDA) ayaa Raashin Gargaar Ah oo ay iskood iskaga soo uruuriyeen u qaybiyeen haween ku dhaqan degmada Waaberi.
Sida lagu soo warramay Raashinka ayaa ka koobnaa Bur, Bariis iyo Galeey  iyadoo qofkiiba loogu talagalay 4 Kg, wuxuuna ururku ballan qaaday in uu sii wadi doono dadaalka uu ugu gargaarayo haweenka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka, gaar ahaan kuwa heysta caruuraha agomaha ah iyo kuwa aan carruurta lahyn.
Marwa Caasha Sheikh Axmed Daahir oo ah Gudoomiyaha ururka oo goobtii lagu qeybinayay raashinka ka hadashay ayaa sheegtay in ay qorsheynayaa in ay dhowaan gaaraan xeryaha barakacayaasha, si ay u qiimeeyaan xaaladda haweenka ku sugan halkaasi, kadibna ay gaarsiiyaan waxyaabaha ay u baahan yihiin oo ugu horeeyso shaqa abuurista.
Dhanka kale Ayaan Cabdullaahi Cali  oo ah afhayeenka ururka ayaa sheegtay in ay ku tala jiraan inay kor u qaadaan tayada hooyada Soomaaliyeed oo ah udub dhexaadka bulshada, kuna dadaalayaan in ay aqoon kororsi ah u siiyaan, iyagoo ku tiirsan haweenka wax bartay.
Hase yeeshee Ururka PAHDA waxa uu horay ganacsiyo yar yar u abuuray ilaa dhowr iyo toban haween ah oo heystay carruur agoon ah, waxayna Aqoon isweydaarsi (Workshop) u qabtay ilaa 80 gabdho da’yar ah iyadoo looga dooday kaalinta ay dumarku ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed iyo sida ay uga qeyb qaadan karaan nabadda.
Si kasta ha ahaatee Ururka PAHDA Waa Urukii ugu horeeyay ee ka kooban gabdho aqoonyahanno ah soona bandhiga hab gargaar oo haweenka Soomaaliyeed gaarsiinaya in ay isku filnaadaan, kadibna ay ka qeyb qaataan gargaaridda haweenka kale si ay bulshadu u noqoto mid isku tiirsan oo is taakuleeyso.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.