Hay’adda Caalamiga ah ee Boliiska (Interpol) oo sheegtay in ay gacan ka gaysanayaan la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

HOOS KA EEG SAWIRO KALE

Halkaan ka akhri

Hay’adda Caalamiga ah ee Boliska (Interpol) ayaa sheegtay inay gacan ka gaysanayan la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo walaac xoogan ka muujisay beesha caalamka gaar ahaan Marakiiba isticmaasha Badwaynta India.  

 

Sidoo kale Hay’adda Caalamiga ah ee Boliiska (Interpol) ayaa shaaca ka qaaday inay gacan siinayaan dhowr dal Afrikan ah ee uu ka mid yahay dalka Soomaaliya, sidii loola dagaalami lahaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee kordhiyay weerarada ka dhanka ah Marakiibta shisheeye.  

 

Pierre Saint Hilaire oo ah Agaasiamaha Hay’adda Boliiska Interpol ayaa waxaa uu sheegay in mashruuca lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda uu gaarayso 1.17-Milyan oo Dollar Maraykanka, wuxuuna sheegay in wajiga ugu horeeya ee lagu gar gaarayo dalalkaasi dhawaan laga bilaabi doono Seychelles, waxaana dalkaasi la siin doono qalab casri ah oo fududeeya in si sahal ah lagu qabto kooxaha burcad badeeda Soomaalida islamarkaana lagu baaro farahooda iyo kuwo loo adeegsado xaga Isgaarsiinta ah.

Sida ay hay’addan caddeysay waxaa Mashruuca  Barnaamijkan uu socon doono muddo 20-bilood islamarkana lagu caawin doono dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Yemen, Tanzania iyo Seychelles oo la’aamninsan yahay inay ku xiran yihiin burcad badeeda Soomaali ah oo gaaraysa ilaa 100-qof.

Hase yeeshee Hay’adda Boliiska Caalimiga ah waxay sheegtay in boqolaal Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah lagu maalgaliyo dowladda Kenya lacagtaasi oo si madax furasho ahaan ay u qaataan kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: