Golaha Xildhibaanada Baarlamanka KMG oo maanta Qodobo ka mid Axdiga KMG ah wax ka bedelay.

Halkaan ka akhri

Xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxay maanta kulan ku yeeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, kulankaas oo ay  wax uga bedeleen qaar ka mid ah Qodobada Axdiga KMG ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Kulankii maanta ay soo xaadireen 389 Xildhibaan, waxaana shir gudoominayey Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan, waxayna Xildhibaanadu ku ansixiyeen Qodobo ka mid ah Axdiga KMG ah ee Soomaaliya oo wax laga Bedelay qarna way laga saxay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in 8 Qodob oo ka mid ah Axdiga KMG ah ee Soomaaliya ayaa wax laga bedelay, halka qaarna la saxay sida ay u qoran yihiin, waxaana qodobada wax laga bedelay ka mid ah in ansixinta Wasiirka koowaad iyo xukuumadiisuba ay noqoto mid qarsoodi ah.

Dhanka kale waxaa wax laga bedelay Qodobka ah in mudadii jiritaanka xilliga Madaxweyne Shariif  oo ku ekaa bisha Augost ee Sanadkan lagu kordhiyey Sadex sano oo kale duruufo jira awgeed.

Kulankii maanta oo ahaa mid ku soo gabagaboobay ama dhamaaday jawi aad u wanaagsan, waxaan soo xiray Gudoomiayaha  Barlamanaka Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: