Halkaan ka akhri
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya  Augustine Mahiga ayaa magaallada Jabuuti kulamo kula qaatay odayaal iyo waxgarad ka kala yimid gobollada waddanka.
Sidoo kale Danjire Mahiga ayaa kulan la qaatay  waxgarad ka socda Gobollada Koofureed, Deegaannada Puntland iyo waliba waxgarad ka tagay gobollada woqooyi galbeed ee maamulka Somaliland.
Sida uu warku nagu soo gaaray Kulankan ayaa waxaa looga hadlayey xaaladda waddanka Soomaaliya iyo kaalinta ay odayaashu ka qaadan karaan dadaallada nabadda iyo waliba siyaasadda la doonayo in beesha caalamku ay ku taageerto dowladnimada Soomaaliya.
Hase yeeshee Odayaasha dhaqanka ayaa waxay u gudbiyeen Ergayga xoghayaha guud Danjire Mahiga mowqifkooda ku aaddan nabadeynta dalka, ayagoo sidoo kale faahfaahiyay sababta ay u arkan in ay keentay dib u dhaca nabadeynta dalka iyo kaalinta beesha caalamka looga baahan yahay in ay ka qaadato arrintaan.
Inkastoo ay jiraan Odayaal dhaqameydyo ay shalay Warbaahinta soomaalida Gudaha iyo dalka dibadiisa ku dhaliileen in Beesha caalamka ay la xaajooto dad aan ka mid ahayn odayaasha dhaqanka Soomaaliyeey Sidaas darteed ay xaaladda Soomaaliya xal loogu gaari karin,mar haddii aan lala tashan odoyaasha dhaqanka ee ay Bulshada Soomaaliyeed aqoonsan tahay.
SomaliSwiss    Djabuuti
Filed under: Djibouti |
You must be logged in to post a comment.