Halkaan ka akhri
Maxkamad ku taal Dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada New York ayaa xukuntay nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu burcad badeed yahay kaasoo mudooyinkaani danbe u xirnaa Dowlada Mareykanka.
Cabdi Weli Muuse ayay maxkamadi ku xukuntay xabsi mudo 33 sano ah markii lagu eedeeyay inuu sameeyay handadaad shaqaale Mareykan oo Markab watay iyo inuu qori ku qabtay Kabtanka Markabka Maersk Alabama ninka lagu magacaabo Richard Phillips.
Markabka lagu eedeeyay inay qafaalan rabeen Cabdi Weli iyo saaxiibadiis waxaa la qabsaday bishi April sanadkii 2009-kii ilaa waqtigaasna waxaa uu ku jirey Cabdi Weli gacanta Dowlada Mareykanka.
3 kale oo C/weli la socotay ayaa waqtigaasi waxaa toogtay ciidamo si gara ah u tababaran oo saarnaa markab dagaal markaasoo burcad badeedu doon yar ku haysteen kabtankii markabkaasi Richard Phillips madaama shaqaalihii kale oo dhan ay isku soo xireen qolalka badbaadada loo yaqaan.
Abuukaatayaal u doodaya C/weli muuse oo ah wiil Soomaali ahaa sheegay inay dadaal dheeraad ah u geli doonaan sidii mudada xabsiga ay ugu soo koobi lahayeen 27 sano.
SomaliSwiss News Desk
SomaliSwiss@hotmail.com
You must be logged in to post a comment.