Advertisements

Heshiis dhinacyo badan leh oo ay wada gaareen Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ka dhacday xarunta madaxtooyada magaalada Garoowe.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xaruunta Madaxtooyada Maamulka Puntland uu xalay ka dhacay Xaflad lagu soo bandhigayey heshiis dhinacyo badan leh oo ay wada gaareen Maamulada Gal Mudug iyo Puntland, iyadoo halkaasi ay Mas’uuliyiinta labada dhinac ka jeediyeen khudbado waxyaalo dhowr ah lagu caddeeynayey.

Heshiiskaan ayaa ka koobnaa saddex qodob oo waa wayn oo ay si wada jir ah u saxiixeen Madaxda labbada dhinac ee buntlaadh iyo Gal Mudug oo shir dheer kadib qodobadaan soo saaray.

1- Xal u helida Arimaha Soomaaliya.
2- Arimaha Nabad gelyada Labbada dhinac.
3- iskaashiga dhinac walba.
Waxaa kaloo halkaas lagu soo bandhigay nuqulo dhowr ah oo ay ku midaysan yihiin labbada dhinac sida La dagaalanka Argagixisada, dhaleecaynta wakhti kororsiga baarlamanka soomaaliya, iyo midaynta ciidamo ay leeyihiin labbada maamul oo ka shaqeeya difaacada deeganada Galmudug iyo Puntland.

Ugu horreyntii waxaa halkaas ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Gal Mudug Cabdisamad Nuur Guuleed oo dhankiisa heshiiska u saxiixay ayaa waxaa uu xaflada ka jeediyey khudbad dheer Taasi oo kaga hadlay heshiiska isagoo sheegay in kulankani yahay kii ugu horeeyey ee lagu gaadhi lahaa xal u helida dalka soomaaliya.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Faroole oo isaguna guul ku tilmaamay heshiiska dhinacyada badan Tabanaya ee ay wada gaadheen Gal Mudug iyo Puntland, isagoo hadalkiisa sii raaciyey in uu noqon doono heshiiskaan mid bilowgii dib u heshiisiinta dhabta ah ee soomaaliya, waxaa kaloo uu aad hadalka ugu adkeeyey in la adkeeyo qodobada ka hadlaya la dagaalanka burcad badeeda iyo sugida Amniga, waxaa kaloo uu soo hadal qaaday nuqul ikaashiga wax ka qabashada barakacayaasha iyo abaaraha Taas oo wakhtigaan loo baahan in wax laga wada qabto.

Sida la wada ogsoon yahay 15-bishaan ayey ahayd markii saraakiil ka tirsan Gal mudug oo uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi ay soo gaareen Garoowe kuwaasi oo muddo labba Maalmood shir kula jiray buntlaandh, kadibna laga soo saaray Heshiiskaan wada jirka ah.

Nuquladii Heshiiska Labbada Dhinac.

Wafdi ka socda maamulka Galmudug ayaa 15kii Febraayo 2011 waxa ay soo gaareen caasimadda Dawladda Puntland (Garoowe). Ujeedada kulanka oo ahayd in ay ka wada hadlaan sidii labada maamul ay u yeelan lahaayeen iskaashi darisnimo iyo sidii ay wadajir uga hortagi lahaayeen wixii khatar ku ah guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana deegaanada ay maamulaan.

Gudagaliddii arrimihii iskaashiga guud waxaa ka wada qaybgalay Maamulada Puntland iyo Galmudug waxaana laga wada hadlay ajande ka kooban Saddex qodob oo kala ah:

1. Xal u hellidda arrimaha Soomaaliya
• Sidee mowqif cad oo isku mid ah looga istaagi karaa xaaladda Soomaaliya?
• Arrinta waqti kororsiga Baarlamaanka iyo Xukuumadda kumeelgaarka ah.
• Sidee shir dib u heshiisiineed loo qaban karaa, xaggeese lagu qaban karaa?

2. Arrimaha Nabadgalyada
• Ka wadashaqaynta dhinaca berriga iyo badda
• Xoojinta ka wadashaqaynta nabadgalyada
• Iskuxirka maamullada.
3. Iskaashi dhinac walba ah
• Iskaashiga dhaqaalaha iyo Ganacsiga
• Iskaashiga arrimaha bulshada (waxbarashada, isboortiga iyo caafimaadka)
• Iskaashiga wax ka qabashada barakacayaasha iyo abaaraha.

Madaxda labada dhinac markii ay lafa gureen qodobada kor ku xusan ayna
uga doodeen qodob qodob waxaa lagu heshiiyey:

Qodobka Koowaad Xal u hellidda arrimaha Soomaaliya

Iyadoo arrimaha Soomaaliya marayaan marxalad khatar ah waxay Puntland
iyo Galmudug Isla garteen:

1. In midnimadda Soomaaliyeed tahay lagama maarmaan, iyadoo loo marayo
nidaamka Dawladnimo ee Federaaliga ah.
2. In kororsiimada xilligan ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka
ah aysan munaasib u ahayn ummadda Soomaaliyeed waqtigan, taasoo niyad
jab ku riday shacbiga Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.
3. Waxaan u aragnaa in xalka Soomaaliya ku jiro in la qabto shirwayne
Qaran oo u gogolxaaraya sidii loo dhisi lahaa dawlad Soomaaliyeed oo
loo dhan yahay, laguna qabto dalka gudihiisa meeshii ku haboon.
4. Shirwaynaha qaran waa in uu ku qabsoomaa kuna dhamaadaa mudada u
harsan DFKM, oo ah 20 Agosto,2011.
5. In la sameeyo gudi qabanqaabo oo uu yeesho Shirwaynaha qaran,kana kala yimaada DFKM, Puntland, Galmudug, Somaliland, Ahlu Sunna Wal-jamaaca, maamulada kale iyo wakiillo ka socda deegaanadda aan maamuladu u dhisnayn.
6. Si uu habsami ugu qabsoomo shirwayne qaran waxay Dawlad Goboleedka Galmudug xil iska saareysaa in ay dhexdhexaadiso DFKM iyo Dawlada Puntland.

Qodobka Labaad Amniga guud

• In ay si wadajir ah ula dagaallamaan koox ama shaqsi kasta oo ku sifooba argagixisanimo ku soo wajahan xuduudaha ay maamulaan.
• Wixii falal argagixiso ah oo ka dhaca maamul gudihiis waxay labada maamul ka wada yeelanayaan iskaashi dhaqaale, siyaaso iyo sirdoon.
• In ay isu celiyaan dambiilayaasha gala falalka dilalka iyo dhaca hantiyeed ee u kala gudba labada maamul.
• In burcadbadeedda si wadajir ah loogala dagaallamo lagana suuliyo degaannada Puntland iyo Galmudug ay maamulaan.
• In la sameeyo labo guddi oo kala ah:
b) Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga, oo ka kooban 10 (toban) xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan, isla markaana kulmaya saddexdii biloodba mar, haddii aanay u baahan kulan degdeg ah.
t) Guddiga Fulinta heer Gobol, oo ka kooban 14 (afar iyo toban) xubnood oo madaxda labada maamul soo kala magacaabanayaan, waxayna magacaaban karaan guddi-hoosaadyo hawsha la fududeeya.
j) Xubnaha labada guddi waxaa lagu soo magacaabayaa labo todobaad gudahood oo ka bilaabata marka heshiiskan la saxiixo.
• Goobta shirka guddiyadu ku qabsanayaan waxaa ay meerto u noqonaysaa labada maamul.

Waajibaadka Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga:

1. Kormeeridda iyo la socodka hawlaha guddiga heer gobol
2. Xal u helidda khilaafaadka soo jireenka ah ee curyaamiyey xasilloonida iyo horumarka bulshada gobolka Mudug.

Waajibaadka Guddiga Fulinta ee heer Gobol

1. Iskuxirka arrimaha nabadgalyada gobolka
2. Joogtaynta xiriirka iyo wadashaqaynta gobolka
3. Qorshe u dajinta hawlaha nabadgalyadda gobolka
4. Meelmarinta intifaacsiga biyaha iyo daaqa si nabadgalyo ah
5. Joogteynta xiriir wadashaqayneed ee labada ciidan.
6. Abuuriida ciidan wadajir ah oo ka hawgala ka hortagga falalka argagixisada iyo shaqaaqooyinka markii loo baahdo
7. Joogtaynta latashiga iyo wargalinta Guddiga Sare ee Nabadgalyada iyo Iskaashiga

Qodobka Saddexaad Iskaashi Dhinac walba ah

1. In iskaashi dhinac walba ah ay ka yeeshaan arrimaha nabadgalyada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada.
2. Waxa ay baaq caalami ah ka soo jeediyeen abaaraha, waxayna Qarammada Midoobay iyo beesha caalamka ka codsadeen in ay kaalmo bini’aadannimo la soo gaaraan gobolada ay abaaruhu sida ba’an u wax yeelleeyeen xoolihiina dhaafeen.
3. Waxaa la isku raacay in la soo dhaweeyo barakacayaasha ka soo cararey gobollada ay dagaaladu aafeeyeen.

Dhaqangalka Heshiiska

Heshiiskaani waxaa uu dhaqangalayaa marka labada maamul ay saxiixaan Magacyadda Xubnaha Puntland iyo Galmudug

Dawladda Puntland
1. Gen. Cabdisamad Cali Shire Madaxwayne kuxigeenka Puntland
2. Gen Yusuf Axmed Khayr Wasiirka Aminiga iyo DDR
3. Caasha Gelle Diriye Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
4. Cabdiwali Xirsi Cabdulle Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
5. Dr. Cabdi Xasan Jimcaale Wasiiru-Dawlaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
6. Cali Yuusuf Cali-Xoosh Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
7. Burhaan Cilmi Hirsi Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska

Magacyadda Xubnaha Galmudug

1. Abdisamad Nuur Guuleed Madaxwayne kuxigeenka Galmudug
2. Xasan Faarax Barre Wasiirka Dib U Heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka
3. Cabdullahi Jaamac Dhoore Wasiirka Maaliyadda
4. S/Gaas Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
5. Cali Xaashi Dhoore Saxiixa Rasmiga ah ee Heshiiska Puntland iyo Galmudug

SomaliSwiss    Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com


Advertisements
%d bloggers like this: