Advertisements

Ban Ki Moon iyo Richard Holborook shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada New York ku sheegay in arrimaha Soomaaliya ay si taxadar leh ula socdaan.

Halkaan ka akhri

Xog’hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo la taliyaha madaxa xafiiska Mareykanka ee arrimaha siyaasadda Africa Richard Holborook shir jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay xarunta Q.M ee magaalada New York ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimaha amaanka iyo siyaasdda Somalia waxayna sheegeen labadaan mas’uul sheegeen inay arrimaha Soomaaliya si taxadar leh ula socdaan.

Xog’hayaha guud ee Qaramada Midoobay┬á oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in Q,M ay arrimaha Soomaaliya si gaar ah ula socoto waxaana uu sheegay inay dadaal u galayaan meel marinta go’aanadii shirkii magaaladda Addis-Ababa ee Midawga Africa ku yeeshay kasoo lagu dalbaday in la kordhiyo ciidamada Midawga Africa Soomaaliya ka jooga ee AMISOM.

Ban Ki Moon wuxuu sheegay in Mareykanka kala kaashanayaan dadaalada la doonayo in Soomaaliya nabad loogu soo celiyo waxaana uu intaa ku daray inay muhiim tahay in la taageero ciidamada AMISOM.

Sidoo kale La taliyaha madaxa xafiiska Mareykanka ee arrimaha siyaasadda Africa Richard Holbrook ayaa sheegay in Mareykanku ka walaacsan yahay dhibaatooyinka bini’aadanimo ee Soomaaliya ka jira waxaana uu tilmaamay in xukuumadda Washington ay dadaal u galeyso xal ka gaarida arrimaha Soomaaliya asagoona sheegay inay walaac ku heyso wax uu ku geeshay dagaalyahanada aan Soomaalida aheyn ee ka garab dagaalama Xarakadda Al-Shabab sida uu sheegay oo si xoog leh Soomaaliya ugu soo qul qulaya.

La taliyaha madaxa xafiiska Mareykanka ee arrimaha siyaasadda Africa wuxuu tilmaamay in dawladiisu ay gacan ku siineyso Q,M xoojinta amaanka Soomaaliya iyo wax ka qabashadda wax uu ugu yeeray argagixisada.

Hase yeeshee Richard Holborook wuxuu ku eedeeyay Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab inay is hor taag ku sameeyeen gar gaarka bini’aadanimo ee caalamka ugu talo galay dadka Soomaaliyeed ay abaaruhu halakeeyeen.

SomaliSwiss New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: