Xayeysiintii ugu yaabka badnayd adduunka oo sanadkan ka dhacday wadanka New Zealand.


Halkaan ka akhri

Qosol, Layaab, Dood iyo dhaleecayn is-huwan ayay keentay xayeysiin ka baxday Radio ku yaal wadanka New Zealand taasi oo dhageystayaasha ragga ah u sheegtey inaanay dhaafin fursad qaalli ah oo ay ku guuleysan karaan haweenay xaas u noqota.

Idaacada lagu magacaabo Rock FM eek u taal magaalada Auckland ee wadanka New Zealand ayaa dhawaan ku sameeysay website-kooda in uu socdo tartan xiiso leh oo ninkii ku guuleysta uu heli doono in loo duuliyo wadanka Ukraine halkaasi oo 12 habeen uu joogi doono ka dibna uu soo wadan doono xaaskiisa mustaqbalka iyadoo ay qaban qaabisey tartankaasi  wakaalad ku taal dalkaasi.

“Hadii aad doonayso guurka barakeysan oo kuu horseedaya inaad hesho dhaylo kulul oo ajnabi ah buuxi foomka sida kuugu sareysa” ayaa lagu yiri xayeysiistaasi lagu baahiyey website-ka Rock Fm.

Markii ay soo baxdey xayeysiintaasi ayaa waxaa codisyo fara badan la soo cararay tiro rag ah kuwaasi oo quuldareynaya in ay ku guuleystaan tartankaasi oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo dunida soo mara.

Rag badan oo soo gudbiyey codsigooda ku aadan tartankan ayaan ka qajilin in lagu soo qor website-ka taariikhdooda ama shakhsiyadooda iyagoo u muuqdey inay ku faraxsan yihiin ka qayb qaadashada tartankan.

Laakiin qaar ka mid ah ururada bulshada ee ku dhaqan wadanka New Zealand ayaa waxay si aad ah u dhaliileen xayeysiintan, iyadoo haweenay ka tirsan ururadaasi oo lagu magacaabo  Sue Bradford  ay ku tilmaamtey xayeysiintaasi inay tahay wax qiimo dil ah xiriirka biniaadamka.

Laakiin agaasimaha The Rock FM Brad King ayaa si adag u difaacay xayeysiintaasi isagoo ku macneeyey inay tahay wax qosol uun leh.

“maalin uun dadka aan isku keeno ayaa go’aan ku gaari kara inay is guursadaan oo ay dib ugu soo laabtaan New Zealand inagu si dhab ah dadka iskuma guurinayo ama haweenka ma keenayno New Zealand” ayuu hadalkiisa ku darey Brad King.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: