Wasiiradda arimaha dibadda Faransiiska iyo Ergayga gaarka QM. ee Soomaaliya oo ka wada hadlay xaaladda amaanka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Wasiiradda arimaha dibadda Dowladda Faransiiska ayaa waxaa ay kulan looga hadlayo xaaladaha Soomaaliya ay magaalada Paris ay kula yeesheen Ergaygaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Wararku wuxuu intaa ku darayaa  in Ergayga gaar ah Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Agustin Mahiga uu kulan kula yeeshay magaalada Paris Wasiiradda arimaha dibadda ee dalka Faransiiska Quai d’Orsay kuwaasi oo kawada hadlay arimo farabadan oo ku aadan xaaladaha faraha kasii baxaya ee Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dowladda Faransiiska ay aad u taageersantahay Dowladda Federalka KMG oo uu sheegay inay ka qeyb qaadan doonto dib u habeenta ciidamada dowladda, iyadoo horey ay dowladda Faransiiska tababaro u fidisay ku dhawaad 500- askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladda Faransiiska ayaa waxaa ay sheegtay inay ka qeyb qaadanayso Mashruuc uu wado Midowga Afrika taasi oo ah in 27-dal oo ka tirsan dowladaha Afrika ay tababar uga furi doono qaar ka mid ah ciidamada dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Faransiiska ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dhawaan kaalmooyin deg deg ah ay gaarsiindoonaan ku dhawaad 20-Milyan oo qof kuwaasi oo ku dhibaataysan gudaha wadanka Soomaaliya iyadoo sida la tilmaamay ay deeqdaasi ugu soo dhiibi doonto dadka dhibaataysan dowladda KMG Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay taageero buuxda ka haysataa qaar ka mid ah wadamada Caalamka kuwaasi oo doonaya inay siiyaan taageero dhinaca waliba ah, si ay meesha ugu saarto Xarakada Mujaahihiinta Al Shabaab oo aqoonsaneyn dowladda KMG.

SomaliSwiss Paris

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: