Ugu yaraan 50 qof Soomaali tahriibayaal ah oo meydkooda laga helay xeebaha Mozambique.

Halkaan ka akhri

Ciidamada Booliiska wadanka Mozambique ayaa sheegay in ilaa 50 qof oo Soomaali tahriibayaal ah ay dhinteen kadib markii doon ay ku safrayeen ay kula degtay xeebaha dalka Mozambique 10 maalmood ka hor.

Afhayeen u hadlay ciidanka Booliiska ayaa sheegay in doontaasi uu kabtan ka ahaa nin  Tanzanian ah, kaas oo sidoo kale dhintay markii doonta ay ku degtay jasiiradda Suhavo ee waqooyiga Mozambique.

Dadka ka badbaaday doontaasi oo lagu qiysaasay ilaa 80 Soomali iyo Ethiopian  isugu jira ayaa la sheegay in la geeyay xero qaxooti oo ku taalla gobolka Nampula ee gudaha dalka Mozambique.

Wadanka Mozambique ayaa ah wadada kaliya ee ay dadka tahriibayaasha ah ee u socda wadanka South Afrika ay sii maraan.

Dadka tahriibayaasha ah ee halkaasi mara ayaa lagu sheegay in ay u badan yihiin wadamada Somalia, India iyo Chinese oo isku dayaya in ay gaaraan dalka South Africa oo ah wadanka ugu dhaqaalaha badan Africa.

SomaliSwiss Kambala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: