Halkaan ka akhri
Waxaa lasheegay xeer illaaliye degmo oo wadanka Maraykanka ah ayaa ogolaaday in madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Jen. Maxamed Cali Samatar lagu qaadayo dacwad loo haystay.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Jen. Maxamed Cali samatar ayaa hadda ku nool wadanka Maraykanka, waxaana lagu eedeynayaa, inuu ka gaystay danbiyo dagaal iyo jir dil gudaha wadanka Soomaaliya sanadihii 1980 tameeyadii markii uu ahaa wasiirka gashaandhiga.
Xeer illaaliyaha degmada ayaa markii hore u ogolaaday Jen. Cali Samatar inaan dacwad lagu qaadi karin, balse maxkamad sare ayaa dacwada dib u furtay sanadkii hore.
Jen. Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa dacwadan la daba taagan Soomaali ku nool wadanka Maraykanka.
SomaliSwiss New York
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: New York |