Guddiga Amniga Qaranka oo sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen qaar ka mid ah masuuliyiintii ka danbeeysay dadkii lagu Xasuuqay Bannaanbaxa.

Halkaan ka akhri

Waxaa saakay si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay Xarunta Madaxtooyada Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Farmaajo, Wasiirka gaashaandhiga dowladda C/xakiin Xaaji Fiqi iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ee dowladda C/shakuur Sheikh Xasan Faarax, kuwaas oo warbaahinta siiyey Warsaxaafadeed ka hadlayay dhacdadii lagu laayey dadkii bannaanbaxayey waxay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen  qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay dhacdadii ka dhacday agagaarka guriga Hooyooyinka taasi oo lagu laayay Shacab Banaanbax Dhigayay.

Saddexda Mas’uul waxay sheegeen in ay soo qabteen dadka magacyadooda ay hoos ku qoran yihiin yihiin, Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheeere, Cabdi Qeybdiid, Nuur Cali Yalaxow, Max’ed Raage Tifoow iyo Cali Nuur Max’ed.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa saxaafadda uu sheegay in 5-taasi qof ay gacanta kusoo dhigeen, iyagoo la kaashanaya ciidamada nabad ilaalinta ee kuwa AMISOM, wuxuuna  intaasi ku daray in rag kale oo ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyeen dhacdadaas ay ku raad-joogaan.

Dhanka kale  Ra’iisul-wasaare Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) ayaa wuxuu sheegay in Cadaalad la horkeeni doono dadka la soo qab-qabtay oo qaarkood ka Tirsan Doowlada KMG Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay 15-kii bishan ayay aheeyd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ka qeyb galayay banaanbax oo uu soo abaabulay Maamulka gobolka Banaadir kuwaasi qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaareen dadkii dibadbaxa dhigayay.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: