Dowladda KMG Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Maxamad Dheere iyo Shan Mas’uul oo kale.

HOOS KA AQRI WARQADDA XARIGGA & DAMBIGA

Halkaan ka akhri

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa xirtay 5 masuul oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Bannaanbax ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, dadkaasi laxiray waxaa ka mid ah Maxamed Dheere.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda KMG ayaa shaaca ka qaaday in xabsiga loo taxaabay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo afar nin oo kale oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday dadweyne bannaanbax ka dhigayey Muqdisho, halkaas oo dadkii lagu weeraray ay qaar ka mid ah dhinteen in badana dhaawacmeen.

Warqadda warsaxaafadeedka dowladda KMG ah halkaan kasoo dejiso ama Hoos ka aqri

War Saxaafadeed 009/2011

Xukuumadda Soomaaliya oo xirtay dad lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Bannaanbixii Nabadda

(Muqdisho – 16 Febraayo, 2011) Dowladda ayaa xirtay shan qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday dadweyne bannaanbax nabadeed ku sameynayay agagaarka Ex-Fiyoore ee magaalada Muqisho, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen illaa saddex qof oo rayid ah iyo askari ka tirsanaa dowladda.

Ra’iisul-wasaaraha, Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, Ku-xigeenka Ra’iisul-wasaaraha, ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane C/xakiim Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, Mudane C/shakuur Sheekh Xasan iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta, Mudane C/kariim Xasan,  ayaa si wadajir ah ugu sheegay Raadiyo Muqdisho in ciidamada Dowladda oo kaashanaya nabad-ilaaliyeyaasha AMISOM ay xabsiga dhigeen eedeysanayaasha kala ah:

1. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir

2. Cabdi Qeybdiid (ma aha Jen. Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid, Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska)

3. Maxamed Raage Tifow

4. Cali Nuur Maxamed

5. Nuur Cali Yalaxow

Xukuumaddu waxay xaqiijisay in eedeysanayaasha la hor keeni doono caddaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo sidoo kale Xukuumaddu ay carrabka ku adkeysay in tani ay ka mid tahay tallaabooyinka ay ka qaadeyso sidii loo dhameyn lahaa dhaqanka la-xisaabtan la’aanta dadka dambiyada galay si muwaadiniintu ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: