Wargelin & Ogeysiis:- Jaaliyadda Soomalida Zürich waxaa la ogeysiinayaa in ay kasoo qeyb galaan shir la qaban doono Maalinta Axada 20.02. 2011-ka

Halkaan ka akhri

Waxaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kanton Zürich lagu Wargelinayaa in magaalada Zürich uu ka dhici doono shir aan Caadi ahayn oo ay soo qaban-qaabiyeen Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda, sidaas darteed waxaa Jaaliyadda laga codsanayaa inay ka soo qayb galaan shirkaas.

Shirkaas waxaa lagu qaban doonaa Beckeranlage – Quartierzentrum – Hohlstrasse 67, 8004 Zürich, Waqtiga la qabanayaa  waa saacadda markay tahay 14ka ama 2dii Duhurnimo.

Sidoo kale shirka waxaa la dhigi doonaa Maalinta Axadda ah ee ay bisha Febbraayo tahay 20ka 2011-ka.

Goobta shirka lagu qabanaayo waxaa lagu tegi karaa Gaadiidka kala ah:

–      Tram 8, Bus 31 iyo Bus 32, dhammaan Gaadiidkan waxay ku geyn karaan goobta shirka uu ka dhacaayo, halkaas oo kal-hore laba jeer loogu qabtay shirarkii  Jaaliyadda Soomaalida Kanton Zürich.

–      Ka soo qayb gal wanaagsan

SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: